|

Shirwaynihii urur siyaasadeedka Midnimo

Waxaa mantay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland si rasmi ah ugu soo gabagaboobay Shirweynihii Urur-siyaasadeedka Midnimo oo ka mid ah Ururada Siyaasadeed ee Puntland.
Intii Shirkan uu manta socday waxaa lagu dhamaystiray xulidii iyo meelmarintii xubanaha golaha dhexe ee Ururka oo ka koobnaa 95 Xubnood waxaana sidoo kale shirkan lagu doortay guddoomiyaha Ururka, guddoomiyaha golaha dhexe ee Ururka iyo la taliyaha guddoomiyaha Ururka MIDNIMO.
1. Waxaa Guddoomiyaha Ururka Midnimo cod gacan taag ah loogu doortay oo 95 xubnoodba ay u codeeyeen Dr. Saadiq Eenow.
2. waxaa Guddoomiyaha golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka MidnimoO cod aqlabiyad ah loogu doortay oo 93 xubnood ay u codeeyeen Axmed Sheekh Faarax Maxamed.
3. waxaa Lataliyaha guddoomiyaha Ururka MIDNIMO loo doortay Dr. C/naasir Cismaan Cuuke oo ka mid ah dhaqaatiirta gobolka Nugaal.
intaasi kadib waxaa hadalo kooban jeediyay masuuliyiinta ururka ee la doortay waxaana ugu horayn lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka Midnimo Axmed Sheikh Faarax Maxamed oo aad uga mahadceliyay sida wanaagsan ee Xubnuhu codka u siiyeen uguna doorteen in uu masuuliyadan u qabto, Axmed Sheekh Faarax Maxamed wuxuu balanqaaday in uu muujin doono dadaal iyo firfircooni dheeraad ah, Sidookale gudoomiyuhu waxuu ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan oo xilka aan lagu siidayn madaxda ururka oo kaliya.
Dr. Saadiq Axmed Maxamed (Dr. Saadiq Eenow) oo isna hadal kooban jeediyay ayaa ugu horayn u mahadceliyay dhamaan ergada gaar ahaan golaha dhexe ee Codka siiyay si uu u hogaamiyo ururkan MIDNIMO, wuxuuna u dardaarmay guud ahaan bulshada iyo gaar ahaan Xubnaha iyo taageerayaasha Ururka MIDNIMO Israac iyo Iskaashi.
Taariikh kooban oo kusaabsan labada gudoomiye ee ladoortay waa Ahmed Sheekh Farax Maxamed iyo Dr Saadiq Eenow.
Axmed Sheekh Faarax Maxamed waa aqoonyahan kasoo jeeda Gobolka Mudug soona bartay Culuumta Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, Barre jaamacadeedna ka ah Gobolka Mudug, sidoo kalena ka soo shaqeeyay arrimaha Bini’aadamnida.
Dr Sadiq Ahmed Eenoow waa aqoonyahan kasoo jeeda gobolka Bari soona bartay caafimaadka islamarkaasna waxuu bare sare kayahay jaamacada bariga Africa sidookale waa qoraa taariikhda Somaliyeed waxaa intaas u sii dheer waa sheekh kamid ah culumada Diinta islaamka.

1

2

3
Wacal Media Nerwork
Xafiiska wararka Garowe.
Wacaalmedia@hotmail.com

Leave a Reply