|

Kulan Baroor diiq ah oo ay Suxufiyiinta Gobolka Mudug u sameeyeen Wariye Cali Axmed oo sanad ka hor Gaalkacyo lagu dilay (SAWIRO)

Gaalkacyo (Wacaal Media) Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Suxufiyiinta Gobolka Mudug ayay ugu baroor diiqeen Allaha u naxariistee Marxuum Cali Axmed Cabdi oo ahaa wariye sanad ka hor lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee caasimada gobolka Mudug.

Kulanka baroor diiqda ah ayay suxufiyiinta gobolka Mudug isugu yimaadeen xilligii uu dhintay Wariye Cali Axmed Cabdi sanad ka hor oo ku beegneyd 03-March waxaana kulanka baroor diiqda ah ee ay wariyaashu isugu yimaadeen uu ka dhacay gudaha xarunta Radio Gaalkacyo oo ahayd halkii uu ka shaqeyn jiray Wariye Cali Axmed Allaha u naxariistee.

Dhammaan wariyaasha ka hawlgala gobolka Mudug ayaa kulanka isugu yimid waxayna halkaasi ugu duceeyeen dhammaan suxufiyiintii naftooda ku waayay iyagoo gudanaya waajibaadkoodii shaqo, waxayna si gaar ah ugu sii duceeyeen Saxafigii sanad ka hor Gaalkacyo lagu dilay Cali Axmed Cabdi halkaasi oo quraan ay suxufiyiintu ugu akhriyeen.

Gaba-gabadii kulanka saxafiyiinta ayay sheegeen in wariyaasha ay ku hawlgalaan xaalad culus, waxayna Alle ka baryeen in uu ceebtooda banaanka soo dhigo kuwa dila suxufiyiinta isla markaana uu Alle ka qabto ummadiisa.

1

2

3

4

Leave a Reply