|

Mudane Yusuf Xasan Cabdi oo Maantay ka codeeyey Kamakunji (Warbixin & Sawirro)

Nairobi, Wacaal Media Network

Waxaa Maantay codkiisa isna dhiibtay Mudane Yusuf Xasan Cabdi oo ahaa Xildhibaankii hore ee laga soo dooran jiray Degmadda Kamakunji, Yusuf Xasan ayaa waxuu soo gaaray barqanimadii maantay waxuu dhiibtay codkiisa waxaa goobta kusoo dhaweeyey dad weyne tira badan.

Mudane Yusuf Xasan oo Codkiisa dhiibtay Maantay

Mudane Yusuf Xasan oo Codkiisa dhiibtay Maantay

Mudane Yusuf Xasan Cabdi ayaa waxuu ahaa Xildhibaanka laga soo doorto Kamakunji tan iyo bishii Ogoosto ee 2011kii waxaa aad loogu xasuustaa inuu wax badan ka qabtay amniga degmada Kamakunji oo ay hoos tagto xaafadda Islii oo ah meel ay soomaalidu aad u degan tahay.

Mudane Yusuf Xasan ayaa mar labaad waxuu u taagan yahay xilkaas barlamaan ee deegaanka Kamakunji waxaana kula tartamaya 3 qof oo kale oo kenyaan ah inkastoo uu kaligiis uu soomaali ka yahay, waxaa aad loogu muujiyey Yusuf Xasan inay soomaalidu taagersan yahiin sidaas oo kale waxaa aad u taagersan dadka kale ee deegaanka wax ka degan ee aan soomaalida ahayn.

Yusuf Xasan ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa inuu u dhaq dhaqaaqo arimaha soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi tan iyo intii uu xildhibaaka ka noqday deegaanka Kamakunji ayaa waxaa la sheegay inuu wax badan ka qabtay dhibaatooyinkii ay soomaalida Islii ku qabeen askarta oo had iyo jeer xarig u gaysan jirtay.

Wacaal Media Network,

Wacaalmedia@hotmail.com

Leave a Reply