Nabadoon Khaliifk Aw Cali oo ka hadlaya nabadgalyada iyo shirka kismaayo ka socda (Dhagayso)

Nabadoon Khaliif Ow-cali oo ka qayb galay kulan lagu taageerayo Jubbaland
Nabadoon Khaliif Ow-cali oo ka mid ah duqey dhaqameedka Puntland ayaa maanta si wayn uga hadlay shirka mamul u samaynta Jubbooyinka oo ka socda magalada Kismaayo,wuxuna ku tilmaamay shirkaasi inuu yahay mid loo baahan yahay , ka odayaal ahaana ay taageersan yihiin in la helo mamul gobaleed ka taliyada Jubbooyinka iyo Gedo.


Khaliif Ow-cali ayaa sheegay wax kasta inay ka muhiimsan tahay ilaalinta danta guud iyo ka shaqaynta nabadgalyadda Soomaaliya,wuxuna xukumadda fadaraalka Soomaliya ugu baaqay inaysan marnaba xaqirin shirka kismaayo ka socda balse loo baahan yahay buu yiri in hiil iyo hooba lagu taageero dhismaha Jubbaland.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku hanwayn yihiin in dowlada fadaraalka Soomaaliya ay isku keento Gobalada dalka Soomaaliya,wuxuse sheegay inay jirto caqabad ka taagan dhismaha ismamulka Jubbaland ,arintaasina ay hormuud ka tahay buu yiri dowlada fadaraalka Soomaaliya.

 

 

Ugu danbayntii Nabadoon Khaliif Ow-Cali ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay muujiso doorka ay ku lee yihiin mamulka Jubbaland,ayna ku teegaarto dhaqaalo iyo aqoon labadaba.
Hadaba Nabadoonku arimo badan oo Soomaaliya ku saabsan ayuu ka hadlay halkaan hoose ka Dhagayso codkiisa

Nabadoon Khaliif Ow-cali oo bidhaan cad ka bixiyay shirka Kismaayo iyo mowqafka Dowlada Somaliya

 

Wacaal Media Network
Xafiiska wararka Garowe

Leave a Reply