Nairobi: Goobihii Cod bixinta oo lasoo xiray iyo Tirinta codadka oo labilaabay (Warbixin)

Sanduuqyada codadka lagu ridayo

Inta badan waxaa laxiray goobihii codbixintu ay ka socotay wadanka Kenya, Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ayaa sheegay in 5.00 Galabnimo xiliga Nairobi laxiri doono dhamaan goobaha codbixintu ay ka socoto lana gali doono tirinta codadka, sidaas oo kale Gudiga ayaa sheegay in dhamaan guud ahaan wadanka ay doorashadu si wanaagsan uga dhacay.

 

Sideeda Musharax ee u taagan Jagada Madaxnimada ayaa mid kasta saakay waxuu dhiibtay Codkiisa, waxay dhamaantood ay codadka ka dhiibteen deeganada ay kasoo jeedaan ee laga soo doorto.

Madaxweynaha booska baneeynaya Mwai Kibaki ayaa codkiisa ka dhiibtay degmada laga soo doorto ee othaya ee kutaal Bartamaha wadanka Kenya, Kibaki ayaa markuu codka dhiibanayey waxaa weheliyey qaar kamid ah qoyskiisa.

Raila Odinga Musharaxa Isbahaysiga CORD oo codkiisa ka dhiibtay Xaafada Laangaata

Raila Odinga Musharaxa Isbahaysiga CORD oo codkiisa ka dhiibtay Xaafada Laangaata

Raila Odinga oo ah Musharax ku cadcad doorashada ayaa isna waxuu codkiisa ka dhiintay xaafadda Laangaata ee magaalada Nairobi, halkaas oo xildhibaan looga soo doorto.

 

 

Madaxweynihii hore ee wadanka Daniel Torotich arab Moi ayaa isna codkiisa dhiibtay, waxuu Moi sheegay in loobaahan yahay in codka loo dhiibto si nabad gelyo ah, Moi ayaa waxuu imika jiraa 89 sano waxuuna wadanka Madaxweyne ka ahaa 24 Sano.

 

Uhuru Kenyatta Musharaxa Xisbiga Jubille oo Codka ka dhiibanaya degmada laga soo doorto ee Gishugi

Uhuru Kenyatta Musharaxa Xisbiga Jubille oo Codka ka dhiibanaya degmada laga soo doorto ee Gishugi

Uhuru Kenyatta ayaa isna ka dhiibtay codkiisa degmada Gishugu ee Bartamaha wadanka, Mr Kenyatta ayaa waxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dhiibto codkiisa uusanna wax wal wal ah qabin waxuu sheegay inuu rajo weyn qabo inuu hogaamiyo ka noqdo wadankani Kenya.

 

Dhanka Muslimiinta guud ahaan dhulka ay degaan muslimiinta Kenya ayaa iyadana si wanaagsan loo soo baxay si codkooda ay u dhiintaan, majirin wax dhibaato ah oo laga soo sheegay marka laga reebo degmo katirsan Magaalada Mombasa oo lagu dilay dad gaaraya 10 qof waaberigii hore ee saakay iyada oo aan illaa imika lagaranayn cidda dilkaas ka damaysay.

Magaalooyinka Garisa, Wajeer, Mandera iyo degaanadda hoos yimaada ayaa iyagana sidaas oo kale si wanaagsan loogu soo baxay doorashada waxaana dadku goor hore oo saakay ah galeen safaf dhaadheer.

Degmadda Kamakunji oo meesha ugu badan ee codka laga dhiibanayey ay ahayd Xaafadda Islii ee soomaalidu sida aadka ah u degan tahay ayaa iyadana si nabad galyo ah loogu soo baxay codadka in la dhiibto, soomaalida ku dhaqan xaafadda ee xaqqa u leh inay codka bixiyaan ayaa waxay safaf dhaadheer galeen goor hore oo waaberigii ah.

Soomaalida ku dhaqan Xaafadda Islii oo safaf ugu jira Cod bixinta

Soomaalida ku dhaqan Xaafadda Islii oo safaf ugu jira Cod bixinta

Dadka islii ku dhaqan ayaa waxay aad u taagersan yahiin Siyaasiga Yusuf Xasan Cabdi waana halka musharax ee soomaaliga ah ee degmadda Kamakunji ka taagnaa, Wariyaha Wacaal Media Xasan Sheekh oo saakay soo indha indheeyey goobaha ay cod bixintu ka socoto Islii ayaa sheegay in jawi degan oo aan buuq lahayn ay ku socotay doorashadu, goobaha Ganacsiga ee xafaadda ayaa la xiray doorashada, kasokow gudiga doorashada iyo Kor joogtada Caalamiga ah ka sokoow waxaa goobta ku sugnaa guddi khaas ah oo la socda qaabka ay doorashadu uga dhacaysay islii, gudigaas oo matalayey Mudane Yusuf  Xasan Cabdi.

 

Isku soo wada duuboo, waxaa gabal gaabka galabtay xiliga Nairobi gudiga doorashadu ay tirin doonan codadka cidda kuguulaysatay Madaxtinimda, goloyaasha degaanka, Xildhibaanadda, aqalada sare iyo mudanayaasha mathalaya haweenka, waxaan illaa hadda la saadaalin karin cidda guulaysanaysa.

 

Waxaanu gadaal kasoo gudbin doonaa waxii akhbaar ah oo soo dhaca.

 

Wacaal Media Network, Xafiiska Wararka Nairobi

Waxaa Diyaariyey Xasan Sheekh iyo Shukri Ugaas

Wacaalmedia@hotmail.com

Leave a Reply