Odoyaal Muqdisho ku shiray oo baaq u jeediyey Maamuladda Puntland iyo Galmudug (Warbixin)

Odayaal maanta shir kuyeeshay magaalada Muqdisho ayaa maamulada Galmudug iyo Puntland ugu baaqay iney xaliyaan muranka ka dhex taagnaa beryahaan, murankaas ayaa waxuu ka dhashay kadib markii maxkamad kutaala magaalada Garoowe ay dil ku xukuntay laba nin oo soomaali ah oo midkood uu kasoo jeedo deegaanada Galmudug.

Xukunkaas ay riday Maxkamadda Puntland ayaa laba berri kahor waxaa diiday inay tahay wax la aqbali karo maamulka Puntland, iyagoo sheegay inaysan raali ka ahayn horayna ay dhowr jeer xirir lasameeyen maamulka Puntland oo ay rabeen inay kawada hadlaan arintaan, balse waxay sheegeen inay iska indhatirayn xiriirkaasi.

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaashii kulanka maanta ka qeybgalay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay usoo muuqato Nabadgalyo iyo Dowladnimo ay muddo dheer sugayeen, xaad ayaa ku baaqay inaan shacabka Soomaaliyeed dib loogu celin colaadihii sokeeye ee wadanka kala qaybiyey 20ka sano.

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inay laba maamul arimahaan ay ku dhameeyaan wada hadal is afgarad intii buu yiri ay indha kale yeelan lahayd, waxuu ku dhaliilay labada maamul masuuliyad daro kamuuqata hadaladooda, waxuu sheegay in loo baahan yahay in waxii khilaaf ah loo maro qaab wanaagsan oo wada hadal uu sal u yahay.

Axmed Diiriye Cali oo kamid ahaa odoyaashii meesha ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka noqdo go,aanka ay gaartay maxkamadaasi oo ahayd in laba nin oo kasoo jeeda deeganada Galmudug oo lagu helay inay shabaab yahiin la toogto, waxuu fariin udiray Madaxweynaha Puntland isagoo sheegay in aan loo baahnayn in dadka colaad dib loogu celiyo, hadii ay dhacdo xukunkaas toogashada ahna ay sababi doonto colaado din usoo noqda.

Si kastaba ha ahaatee, baaqaan odoyaasha muqdisho ayaa kusoo beegmaya xili dhowr maalin kahor maxkamad kutaala magaalada Garowe ay xukun kuriday laba nin oo ay puntland sheegeen inay alshabaab ka tirsanaayeen ayna gaysteen dhibaatooyin ay kamid tahay dil.

Wacaal Media Network,
Wacaalmedia@hotmail.com

Leave a Reply