Maamulka Puntland oo Seychelles kala wareegtay koox burcad badeed ah (Sawirro&Dhagaysi)

 Boosaaso, Wacaal Media Network

Maxaabiistani oo ay tiradoodu gaaraysay 9-ruux oo ay jasiirada Seychelles xukuntay kadib markii lagusoo qabtay falal burcad badeednimo  ayaa waxa ay qaybkayihiin 25-maxbuus oo ay dhowaan kuheshiiyeen maamulka Puntland iyo Seychelles  in inta ugadhiman xarigooda ay kuqaataan xabsiyada Puntland.

Garoonka diyaradaha magalada Boosaaso oo ay soocaga dhigatay diyaaradii siday ragani burcad badeeda ahi ayaa waxa goob jog aha madax katirsan dowalada Puntland.

Gen. Cali nuur cumar Salax oo ah taliyaha ciidanka Asluubta Puntland ayaa soo dhoweeyay in maxabiistani dib ugusoo laabtan dalkooda waxaana uu sheegay inay kataxdari donaan xuquuqdooda.

Wasiirka Dekedaha iyo ladagaalanka Buracad badeeda Puntland mudane  Siciid Maxamed Raage ayaa talabada ay jasiirada Seychelles ugusoo wareejisay ragani burcad badeeda ahi kusheegay inay kadamaysay kadib markii ay kuheshiyeen in shakhsiyaadka ku xukuman falalka burcad badeenimo lagsuoo wareejiyo si ay dalkooda ugu dhamaystaan xabsigoda.

Labada maalmood ee soosocota ayaa lafilayaa in lakeeni doono inta kadhiman 25-maxbuus ee ay kuheshiyeen Puntland iyo Seychelles  in lagu hayo xabsiyada Puntland.

burcadeed-2burcadbaded-1

Halkaan ka Dhagayso Wasiirka Dekadaha iyo gadiidka bada Puntland oo ka war bixinayay burcad badeeda maanta lagu soo wareejiyay

Siciid Maxamad Raage oo saxafada uga war bixiyay burcad baded lagu soo wareejiyay maanta

Wacaal Media Network,

Xafiiska wararka Boosaaso

 

 

 

Leave a Reply