Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulamo la leh madaxda magaalada Dhuusamareeb
Muqdisho, Wacaal Media Network
Raisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo saaka gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa kulamo la leh madaxda maamulka gobolka Galguduud, odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyasha Ahlu Sunna Walajamaaca ee gobolka ku sugan.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa dadka deegaanka iyo madaxdiisa kala hadli doonaa sidii loo dhisi lahaa Maamul laga sameeyo gobolka Galguduud.
Raisul wasaaraha ayaa inta uu joogo maagaalada Dhuusamareeb waxuu booqan doonaa saldhigyaasha booliiska iyo goobaha caafimaadka ee magaaladaasi.
Safarka Raisul wasaaraha ayaa waxaa kuweheliyaa Wasiirka arimaha gudaha Cabdikariim Guuleed iyo wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Xaaji Fiqi, waxaa lafilayaa in isla maantay uu kasoo noqdo safarkaas.
Wacaal Media Network, Xafiiska Muqdisho
Wacaalmedia@hotmail.com


