Raysal wasaare Saaciid oo la kulmay shacabka degmada Dhuusamareeb

5
Raysal wasaaraha Dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa kulan dagmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kula qaatay maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha bulshada ku dhaqan dagmadaasi.

Raysal Wasaaraha oo la hadlayay kumanaan qof ayaa yiri “booqashada aan maanta ku nimid gobolka waxa uu ahaa casuumaad aan ka helnay gudoomiyihii hore ee culumaa’udiinka Alhu suna waljameece Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo dhowaan ku geeriyooday Muqdisho, waxa uu ahaa shaqsi dadaal dheer u galay nabada ay ku nool yihiin shacabka Galgaduud’4
Sidoo kale, Raysalwasaaraha waxa uu u mahadceliyay maamulka Ahlusunna Waljamaacah sida ay isaga difaaceen kooxda al-Shabaab oo uu sheegay inay marar badan isku dayeen inay xoog kula wareegaan degmada balse ay u babac dhigeen xoogaga Ahlusunnah, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay maamulka dowladda ee gobolka iyo degmada.3
Dhanka kale Raysalwasaaraha Soomaaliya oo isagu ku dhashey kuna bar baarey magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in booqashadiisu xiiso gaar ah iyo xasuuus lama ilaawaan ah ay ku reebayso maadaama uu muddo dheer moogaa magaaladda uu ka soo jeedo.
1
Safarkan uu ku tagay dagmada Dhuusamareeb Raysal wasaraha iyo xubnaha ka tirsan labada gole ayaa ah socdaalkii ugu horeeyay oo uu ku tago qeybo ka mid ah gobolkaas iyadoo lahadal hayo inay usi gudbaan deegano kale sida Caabuqwaaq iyo Xeraale.

Wacaal Media Network

Leave a Reply