Shir lagu taageerayo mamulka Jubbaland fariino loogu dirayo madaxda dalka oo Garowe ka dhacay (Warbixin&Sawiro)

1Waxaa maanta kulan lagu taageerayo mamulka Jubbaland lagu qabtay xarunta Gobalka,waxana kasoo qayb galay mamulka Gobalka Nugaal ka degmada,waxgarad,nabadoono,haween,iyo dhalinyaro.

 

Dadkii kasoo qayb galay ayaa dhamaantood farta ku fiiqay inay taageero balaaran u hayaan shirka kismaayo ka socda oo mamulka loogu dhisayo Gobaladda Jubbooyinka iyo Gedo,dhinaca kale waxay soo hadal qaateen cuna-qabataynta hubka Soomaaliya saaran oo ka qaadistiisa ay ka doodayaan Gollaha ammaanka QM,waxayna ku baaqeen in aan soomaaliya laga qaadin xayiraada hubka saaran.

 

 

Nabadoon Khaliif Ow-Cali oo ka mid ahaa dubab dhaqameedkii kulankaasi ka hadlay,ayaa kasoo sheekeeyay qaabkii loo dhisay mamulka Puntland,wuxuna sheegay in loo bahan yahay qaabka Puntland loo dhisay in loo dhiso mamulka Jubbaland,sidoo kale madaxda Dowlada fadaraalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay muujiso taageerada iyo kaalinta ay ku lee dahay dhismaha Jubbaland.

 
Faadumo Axmad Nuur oo ah Gudoomiyaaha haweenka magalada Garowe,ayaa dhankeeda sheegay inay ka xun tahay qaabka xukumadda Soomaaliya uga seexatay taageerida shirka Jubbaland,waxayna madaxwayne Xasan Shiikh iyo xukumadiisa ugu baaqday inay muujiyaan doorkooda ku aadan taabo galinta mamul gobaleed ka hano qaada Jubbooyinka iyo Gedo.

 
Sidoo kale Shirkaasi oo saacado badan soconayay ayaa waxaa ugu danbayntii ka hadlay Xildhibaan Cismaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland,wuxuna sheegay inay qayb ka tahay dhismaha mamulka Jubbaland,heshiisyadii Garowe,Gaalkacyo Nayroobi lagu gaaray isla markasna ay muhiim tahay in la raaco buu yiri qodobada ku qoran dastuurka qaybayada ah ee Soomaaliya.

 
Ugu danbayntii dhinacyadii kulankaasi kasoo qayb galay ayaa si wayn carabka ugu hayay,cunaqabataynta hubka Soomaaliya saaran oo ka qaadisteeda laga doodaya,waxayan beesha caalamka ugu baaqeen inaan hada wax hub ah loo fasaxin Soomaaliya,waxayna arintaasi daliil uga dhigeen in soomaaliya ay wali ku jirto marxalad dagaal.

 

 

9 8 7 6 5 4 3 2 12 10 1 13
Wacaal Media Network
Xafiiska Garowe

Leave a Reply