Nairobi: Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo hogaaminaya codadka doorashada oo illaa hadda la tiriyey

Waxaa hadda si toos ah u socota tirinta codadka doorashadda Kenya.

Gudigga Doorashadda iyo Xuduudaha Kenya ayaa gacanta kuhaya tirinta codadka illaa iyo hadda codadka la tiriyey ayaa waxaa doorashadda hogaaminay labada Musharax ee kala ah Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.

Meelaha latiriyey cododkooda ayaa waxaa kamid ah Goboladda Bartama,goboladda Galbeedka Kenya, Waqooyi Bari Kenya iyo Gobolka Bariga inkatoo codadkii ay dhiman yahiin oo ay tahay in 15 Milyan oo qof codadkooda in la la tiriyo, hadana meelaha Fara kutiriska ah ee ilaa hadda latiriyey waxaa hogaaminaya doorashada Siyaasiga Uhuru Kenyatta inkastoo uu isna cagacagaynayo Raila Odinga.

Magaalooyinka Mandera, Wajeer iyo Mombasa codadkooda qayb kamid ah oo la tiriyey waxay doorteen Raila Odinga.

Waxaa lafilayaa in muddo 48 saacadood gudahood ah lagu dhawaaqo Natiijadda doorashada.

 

Wacaal Media Network, Xafiiska Wararka Nairobi

Wacaalmedia@hotmail.com

Leave a Reply