DEG DEG: Qarax ka dhacay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari-Kenya
Wararka ka imaanaya Magaalada mandheera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in laba qarax oo waa wayn laga maqlayay goor dhow magaalada Mandheera.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in laba qarax ay ka dhaceen xaafda Buula-tikniko meel ay dadka safaf ugu jireen in ay codkooda dhiibtaan.
Qaraxyadan ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay ,waxaana magalada haatan laga maqlayay rasaas ay ridayaan ciidamada amaanka.
Magaalada mandheera waxaa saakay ka dhacay qarxyo aan wax khasaare ah gaysan, waxay kamid tahay meelaha aadka looga codeeyey Uhuro Kenyatta oo kamid ah hogaamiya Isbahaysiga Jubille.
Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala soco Wacaal Media Network
Xafiiska Wararka Nairobi



