|

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh oo walaac ka muujiyay xariga Wariye Koronto (Dhagayso)

 

Xildhibaan Cabdiraxman Xoosh
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo soo noqday wasiirkii Dastuurka xukumadii raysilwasaare Gaas,ayaa ka hor yimi xukunka wariye Cabdicasiis Koronto oo maalinkii shalay ay maxkamada racfaanka ee gobolka Banaadir ku xukuntay 6-bilood oo xarig ah.

Wuxuna ku tilmaamay Xildhibaan Xoosh xariga wariye Koronto mid ka hor imaanaya Dastuurka dalka, ayna haboon tahay in dib xoriyadiisa loo siiyo wariyaha la xukumay, wuxuna sidoo kale sheegay arinta lagu xukumay iyo xariga wariye koronto inaysan meelna kasoo galin sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaala.

Hadalkaan ayuu sheegay xildhibaan Jabriil xili uu warbaahinta la hadlayay isagoo ku sugan magalada Nayroobi ,wuxuna dhanka kale wax lagu farxo ku tilmaamay in xoriyadeedi dib loo siiyo haweenayadii sheegtay inay kufsadeen askar ciidanka dowlada soomaaliya ka tirsan.

 

Sidoo kale xariga Koronto waxana ka hadlay oo si kulul u canbaareyay Ururka suxufiyiinta madaxa banaan ee Soomaaliya,waxayna ku tilmaameen arinta koronto inay tahay dulmi si cad looga galay.

 

Halkaan ka Dhagayso Xildhibaan Cabdiraxman 

Xildhiban Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka hadlaya xariga wariye Koronto

Waceel Media Network

Leave a Reply