Amnesty oo ka digtay in Soomaliya laga qaado xayiraada hubka ee saaran

Warbixin ka soo baxday Hay’adda xuquuqda aadamiga Amnesty International ayaa lagu sheegay in Xiligana aysan haboonayn in Jamciyada quruumaha ka dhexeysa ay ku dag dagto in ay Soomaaliya ka qaado Cunaqabataynta Hubka.
Heyaddan u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in Xiligan aysan haboonayn in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta Hubka. Amnesty International ayaa arintaas ku micnaysay in Soomaaliya ay wali ka jiraan Urur Diimeedyo qabiilo, hadii Hubka loo fasaxana ay dhibaato gaari Doonto.
Arintan ayaa ka danbaysay kadib markii Xubnaha golaha amaanka ee Jamciyadda quruumaha ka dhexeysa ay qorsheynayaan inay go’aan ka gaaraan berri oo Arbaco ah in muddo sanad ah la qaado xayiraada hubka Somalia ka dib markii dowladda Soomaaliya ay weydiisatay in laga qaado si ay u dhisto ciidamada qalabka sida.
Dowlada Mareykanka ayaa gadaal kariixaysa in la qaado cunaqabataynta Hubka ee saran wallow ay ka Madax adeegayaan arintaas dowladaha Ingiriiska iyo Faransiiska.
Gemma Davies oo ah Sarkaal u hadlay Amnesty International ayaa sheegay in hadii bari la qaado talaabadan ay dhibaato kala kulki karaan Soomaalida inteeda badan.
Wacaal Media Network
wacaalmediahotmail.com


