|

Caqababada Hortaagan Shirkii ka socday magaalada Kismaayo ee maamulka lagu dhisayay

DSC02164

 

 

Ilaa iyo hadda sidii la rabay umsa socda shirka maamul u sameynta gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Jubbaland ee 28-kii bishii hore ka furmay magaalada Kismaayo, waxaana jira caqabado kala duwan oo uu shirka la dhaqaaqi la’yahay.

 

Caqabadha ugu daran ee uu shirka la dhaqaaqi la’yahay waa labo arrimood kuwaasoo kala ah, Ergooyinkii iyo Odayaashii gobbolka Gedo oo aanan wali shirka imaanin iyo sidoo kale dhanka Dowladda Soomaaliye oo iyadu ku gacan seyrtay shirka ka fumary magaalada Kismaayo kuna tilmaantay mid aan dastuuri ahayn.

 

Xarunata dhismaha Jaamacada Kismaayo ee duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo waxaa ku xareysan odayaal iyo Ergooyin aad u fara badan kuwaasoo ka soo kala jeeda beelaha kala duwan ee deegaanada Jubbooyinka, waxaana dadkaasi ay yihiin kuwii loogu talagalay inay dhisaan maamulka Jubbaland.

 

Wacaal Media
Xafiiska, Kismaayo

Leave a Reply