Degmada Burtinle oo yeelatay Gudoomiye cusub.
Burtinle (Wacaal) Waxaa maanta degmada Burtinle ee gobolka Nugaal loo doortay Gudoomiye cusub kaddib markii Gudoomiyihii hore ee degmada Burtinle ay xilkii ka xayuubiyeen Golaha Deegaanka degmada Burtinle.
Liibaan Xirsi Khaliif ayaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee degmada Burtinle kaddib Xildhibaanada Golaha deegaanka Degmada Burtinle doorasho ay sameeyeen.
Xildhibaanada ayaa sheegay in ay codkooda siiyeen Liibaan Xirsi Khaliif oo ay u doorteen in uu noqdo Gudoomiyaha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.
Kalfadhiga maanta ee lagu doortay Gudoomiyaha cusub ee degmada Burtinle ayaa waxaa goob joog kahaa Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Gen, C/llaahi Axmed Jaamac Ilkajiir.
Gudoomiyaha cusub ee degmada Burtinle Mudane Liiibaan Xirsi Khaliif ayaa xilka kala wareegaya Gudoomiyihii hore ee degmada Burtinle Faarax Salwe oo isagu ay xilkii ka qaadeen Xildhibaanada Golaha deegaanka Burtinle oo eedeeyay masuulkaasi.
Wixii intaa ka dambeeyeyna waxaa lagu hawlanaa sidii Maamul degmo loogu dhisi lahaa degmadaas iyadoo tobaadkii hore loo doortay Abdirashid Huseen Hassan “Isla-eg” Gudoomiye Ku-xigeenka degmada halka Gudoomiyahana gadaal loo dhigay markii shakhsi kaliya oo u tartamayey uu heli waayey cod ku filan.
.
Xafiiska Wararka Burtinle
Wacaal Media Network.



