|

Maamulka Kooxda Shabaab oo 15-Ruux Ku Karbaashay Degmada Jilib

alshabaab oo garbaashay
Maamulka kooxda Shabaab ee ka arrimiya degmada Jilib ee gobbolka Jubbada Dhexe ayaa saaka arroortii xukun karbaash ah ku fuliyay ilaa 15 ruux kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay ku kaceen waxyaabo ay mamnuucday maxkamada Al shabaab.
Dadkaan ay Shabaab karbaasheen ayaa waxaa ay labadii todobaad ee la soo dhaafay ay ku xirnaayeen xabsiga degmada Jilib, waxaana la sheegay in dadkaan ay ku kaceen dambiyada kala ah, daawashada Aflaanta, dhageysiga heeshaha, Isticmaalka Xashiishka, kuwaasoo ay horay u mamnuucday maxkamada kooxda Shabaab.

 
Goobta xukunkaan laga fuliyay oo ahayd fagaaro ku yaalla degmada Jilib ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u farabadan, mana ahan markii ugu horeysay oo xukun noocaan oo kale ah ay fuliyeen maamulada kooxda Shabaab.

 

 

Wacaal Media

Xafiiska, Kismaayo

Leave a Reply