Madaxweyne Xassan Sheekh ”Wada hadalo Waan la galeynaa Shabaab”

Madaxweynaha wadanka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay wada xaajod ay la gasho kooxda Al-shabab ee Soomaaliya balse waxa uu meesha ka saaray in aysan wada hadaladaasi aysan qeyb ka noqon doonin shaqsiyaad dowlada Soomaaliya bartilmaamaysanayso.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud Wareysi waraysi uu siiyay wakalada wararka Qadar ee Qana ayaa waxa uu u sheegay in dalkisa uu diyaar u yahay wada xaajodka lala galayo Al-Shabab oo weli dagaal kula jirta xukuumada Soomaaliya balse madaxweynaha ayaa mujiyay in shaqsiyada danbi ka galay wadanka aysan la fariisan doonin, waxaana uu cadeeyay in ay jiraan shaqsiyaad aan Soomaali ahayn oo wadanka ka dagalamaya. dhanka kale Madaxweynaha ayaa markale shegay in ay jiraan dad Al-shabab u galay arimo dhaqaale.
Madaxweynaha Soomaaliya oo boqasho ku jooga wadanka Qadar ayaa sheegay in amiirka wadankasi ay kawada hadleen siidi dowladisa ay uga qeyb qaadan laheyd nabadenta wadanka soomaaliya.
Wacaal Media Network
Wacaalmedia@hotmail.com


