Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo xukun dil ah kuriday rag katirsan ururka al-shabaab(sawiro)
Boosaaso (Wacaal Media Network): Maxkamadda darajada kowaad ee ciidmada qalabka sida ee gobalada Bari, Kar-kaar Haylaan iyo Sanaag ayaa maanta xukun dil ah kuriday 3-nin oo dhalinyaro ah kuna eedaysnaa inay kamid yihiin ururka al-shabaab ee fariisinka kuleh buuraha Gal Gala.
Edaysanayshani oo lagu kala magacaabo Cali maxamuud cilmi, C/risaaq Axmed sheekh Axmed iyo Aadan maxamed Nuur ayaa maxakamada horteeda ka qirtay inay kamid ahaayeen ururka alshabaab ayna tababaro kusoo qaateen qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha soomaliya.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa markii ay dhegaystaya eedaynta xeer ilaalinta waxa ay ku dhowaaqday xukunka ay maxkamdu kuriday edaysanayashani.
Gudoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Gobalada bari, kar-kaar Haylaan Iyo Sanaag C/fataax Xaaji Aadan ayaa ku dhowaaqay xukunka maxakamada.
siwalaba hanoqotee arintani ayaa kusoo adaysay xili dhowaan 12-ruux oo katirsan al-shabaab dil toogasho ay kuxukuntay maxakamada ciidmada qalabka sida ee gobalada Bari kar-kaar iyo sanaag






