|

Raysul Wasaare Saacid oo Caabud Waaq gaaray maantay

5

Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi la socday ayaa saakay ka ambabaxay dagmada Dhuumareeb ee xarunta gobolkaasi waxaana safarka mas’uuliyiinta uu ahaa mid ay marayeen dhulka iyagoona sii maray deegaano dhowr ah kuwaas oo ay si diiran ugu soo dhaweyeen shacab.

Mas’uuliyiinta ka socotay dowladda ayaa markii ay gareen dagmada Cabudwaaq waxaa si aad ah u soo dhaweeyay mas’uuliyiin iyo shacab iyagoona kulan la qaatay maamulka dagmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu qorshaheedu yahay hormarinta gobollada dalka si ay u dhismaan dhamaan adeegyada bulshada.

Wacaal Media Network.
Wacaalmedia@hotmail.com

Leave a Reply