Ugu yaraan 10 Katirsan Al shabaab ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Buule-Burde
Ugu yaraan 10 nin oo katirsan al-Shabaab ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa ay ku dhaawacantay qarax weyn oo shalay galinkii dambe ka dhacay guri ku yaalla magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.
Qaraxa ayaa ka dhashay walxaha qarxa oo maleeshiyadu ay ku diyaarineysay guriga.
Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, tobanka nin ayaa ku dhintay isla goobta uu qaraxa ka dhacay.
Waxaa sidoo kale gebi ahaanba burburay gurigii lagu farsameynayay qaraxa.
Qaraxa ayaa cabsi geliyay dadka magaalada ku nool, gaar ahaan kuwa daggan xaafadda uu qaraxa ka dhacay.
Wacaal Media Network, Xafiiska Wararka Muqdisho
Wacaalmedia@hotmail.com


