|

Uhuru Kenyatta oo hogaaminaya codadka illaa hadda la tiriyey iyo Siyaasiyiinta Soomaalida-Kenya qaarkood oo Boosaskii Xildhibaanimo ku Guulaystay (Warbixin)

Nairobi, Wacaal Media Network

Waxaa wali la tirinayaa codadka doorashadii Kenya, iyadoo ay tirintu bilaabatay shalay 6.00 galabnimo waqtiga geeska afrika ayaa illaa hadda waxaa socda tirinta.

Uhuru Kenyatta oo hogaaminaya codadka latiriyey illaa hadda

Uhuru Kenyatta oo hogaaminaya codadka latiriyey illaa hadda

Waxaa latiriyey boqolkiiba 25% dadkii codeeyey oo u dhiganta codad gaaraya 5.000.000 (Shan Milyan oo cod) , iyadoo illaa hadda uu doorashada hogaaminayo Uhuru Kenyatta oo leh  2,720, 685 (53.48%) halka Raila Odingana uu leeyahay  2,136,124 (41.99%).

Walina waa ay soconaysaa tirinta codadka waxaana iska soo daba dhacaya sanduuqyada codadka ee la tirinayo, maantay waxaa shir jaraa’id qabtay gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashada iyo xuduudah ee kenya Axmed Xasan Isaaq oo sheegay inay codayntu biloow tahay ayna waqti haystaan lana tirinayo illaa inta lahelayo natiijada kama damaysta ah.

Axmed Isaaq ayaa sheegay in dastuurka uu dhigayo in todobo maalin gudiga doorashadu inuu xaq u leeyahay inuu tiriyo codadka, wax la hubana uu soo bandhigo, Gudoomiye Axmed ayaa Kenyaanka ku amaanay sida wanaagsan oo ay amniga u dhowrayaan waxuuna kubooriyey in amaanka lawada adkeeyo.

Guud ahaa Kenya oo dhan ayaa waxaa kajira amaan meel rabsho ay ka dhacday ilaa hadda lama soo sheegin,

Dhanka Soomaalida ayaa waxaa soo baxaya shaqsiyaad ku guulaystay xilalka barlamaanka iyo aqalada sare ee dowladda, mar aan fogayn ayaa la shaaciey in booskii xildhibaanimo ee degmadda Dhuujis ee magaalada Garissa uu ku gulaystay xildhibaankii horay halkaas looga soo dooran jiray ee Aaden Barre Ducaale oo ka taagnaa xisbiga JUBILLE, xilkaas oo uu kula tartamayey nin layiraahdo Naasir Maxamed Doolaal oo isna ka socday Isbahaysiga CORD.

Sidaas oo kale, waxaa isna deegaanka Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya  booska xildhibaanimo ku guulaystay Dr Maxamed daahir Ducaale (Daahiye) oo cod dhan 8700 uga guulaystay musharaxii isnaa booskaas u taagnaa ee Maxamed cabdi Cali.

Cabass Sheekh Mahammed oo ka taagnaa xisbiga URB ayaa isna ku guulaystay Kursiga Barlamaanka ee Bariga degmada Wajeer waxuuna kaga guulaystay Rashid Kassim Amin oo ka taagnaa Xisbiga JUBILLE.

Dhanka kale, madaxweyne goboleedka (Governar) ayaa waxaa wararku soo baxaya ay sheegayaan inu codadka illaa hadda la tiriyey uu hogaaminayo Nadiif Jaamac aadan oo ahaan jiray Gudoomiyaha bangiga Gulf Of Afrika ee wadanka kenya  iyadoo uu la tartamayo Cali Boonoow Qorane oo ay aad iskugu cod dhoow yahiin waxayna u tartanayaan Governar-ka magaalada Gaarissa.

Dhanka aqalka Sare ee (Senator-ka) waxaa loolan adag kujira Maxamed Yusuf Xaaji oo ahaan jiray wasiirka gaashaandhiga ee Kenya kuna tartamaya tigidka xisbiga JUBILLE  iyo Gudoomiye kuxigeenkii Barlamaanka Faarax Macalin dawaare uu isna ka taagan yahay Xisbiga CORD iyadoo uu cod badan yahay Maxamed Yusuf Xaaji inkastoo wali tirinta codadku ay socoto.

Magaalooyinka Mandera iyo Wajeer ayaa tirinta codoka wali socotaa iyada oo sidaan oo kale ay ku hardamayaan siyaasiyiin kale.

Degmadda Kamakunji ee magaalada Nairobi oo uu ka taagnaa Yusuf Xasan Cabdi ayaa wali wax natiijo ah aan laga soo saarin iyada oo la sheegayo in codadkeedii la tirinayo, dhanka amaanka Xaafad islii ayaa aad u wanaagsan, goobaha ganacsigana waa ay xiran yahiin Soomaalida ayaa waxay ku sheekaysanayaan baararka laga shaaho iyaga oo faalaynaya sdia ay doorashadu ku socoto.

Gadaal ayaa kasoo gudbi doonaa saacadaha soo socda warar la xiriira doorashada.

Wacaal Media Network, Xafiiska Wararka Nairobi

Shukri Ugaas

 

 

 

Leave a Reply