Culumada Ahlu Suna ee Gobolada Koonfureed ayaa ka dalbaday Ciidamada Kenya inay ka baxaan gobolada ay joogaan ee Jubooyinka hadii kale gacan la iskula tagi doono

Nairobi, Wacaal Media

Sheekh Maxamed Alqaadi Afhayeen Culumada Ahlu Suna ee Gobolada Koonfureed

Sheekh Maxamed Alqaadi Afhayeen Culumada Ahlu Suna ee Gobolada Koonfureed

Culuma awdiinka Ahlu suna ee gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa baaq ay soo saareen waxay ku sheegeen inay ku baaqayaan in ciidamada Kenya ee ku sugan gobolada Jubooyinka laga saaro goboladaasi,  iyagoo sabab uga dhigay inay ciidamada Kenya aysan aqoonsanayn dowlada federaalka Soomaaliya Isla mar ahaan taasna waxay baaqooda ku sheegeen inay gabood falyo ay gaysteen intay joogeen Soomaaliya gobolada Jubooyinka gaar ahaana magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Culumada Ahlu Suna ee gobolada Koonfureed, Sheekh Maxamed Alqaadi ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ay ku kaceen wax yaabo badan oo xad gudub ku ah dowlada federaalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay xireen Abaanduulihii ciidamada ee gobolada Jubooyinka Col Cabaas Ibraahim Gurey, sidaas oo kale wuxuu sheegay in mar sii horeeysay ay u diideen in wasiirro katirsan dowlada Soomaaliya ay joogaan magaalada Kismaayo, isagoo sheegay inay kula kaceen dhibaatooyin badan intii ay joogeen wasiiradaasi magaalada Kismaayo.

Dhanka kale sarkaal kaan u hadlay Ahlu Sunada Koonfureed ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dagaaladii dhowaan kadhacay magaalada Kismaayo ay qayb ka ahaayeen, wuxuuna hadalkiisa ku sheegay inay duqeymo u gaysteen Xarunta ciidamada dowlada ee magaalada Kismaayo.

Wuxuu ugu damayntii uu sheegay Sheekh Maxamed Alqaadi inay ugu baaqayaan shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed in hal meel looga soo wada jeesto falal uu ku sheegay inay yihiin kuwa dhibaato u ah qaranimada soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku kacayaan Ciidamada Kenya ee kusugan goboladaasi.

Dhanka kale wuxuu fariintiisa ku daray hadii aysan Kenya u hogaansamin rabitaanka shacabka soomaaliyeed ay ku dalbanayaan inay ka baxaan gobolada ay Kenya joogaan in gacan la iskula tagi doono, isagoo tilmaamay inay ka dagaalami doonan joogitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.

Tan iyo markii ay dagaaladu ka biloowdeen magaalada Kismaayo ayaa waxaa iska soo daba dhacayey qaylo dhaan ka imaanaysa qaar kamid ah maamulada iyo dowladda federaalka taas oo ku aadan eed ay u jeedinayaan ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan gobolada Jubooyinka.

Todobaadkaan horaantiisii Wasiir katirsan dowlada Soomaaliya ayaa saxaafada u akhriyey qoraal kasoo baxay Xafiiska Raiisul wasaaraha oo lagu sheegay in ciidamada Kenya laga bedelo gobolada ay hadda nabad ilaalinta u joogaan, Xukuumada ayaa Kenya ku eedaynaysay inay qayb ka ahayd dagaaladii ka dhacay Kismaayo ayna kala taageertay wax ay Xukuumadu ugu yeertay dhinacyo ku dagaalamay halkaasi.

Dowlada Kenya waa ay ka jawaabtay eedaytaas uga timid dowlada Soomaaliya waxayna sheegtay in haba yaraatee wax ka jiraa aysan jirin eedda uga timid xukuumada Soomaaliya, iyadoo carabaabtay in arinta la isku hayaa ay tahay arin siyaasadeed oo u dhaxeeysa dowlada federaalka iyo Maamulka Jubaland.

Lama garan karo halka ay sal dhigan doonto eedahaan soo noq noqday ee loo jeedinayo ciidamada Kenya ee ku sugan gobolada Jubooyinka, Kenya ayaa aaminsan inay iyagu ujoogaan gobolada ay hadda ku sugan yahiin arin nabad ilaalin oo kaliya ayna ku joogaan magaca howl galka AMISOM ayna uga bixi karaan amar uga yimaada Taliska sare ee AMISOM.

 

 

Wacaal Media, Shukri Ugaas

Xafiiska Wararka Nairobi

 

2 Responses for “Culumada Ahlu Suna ee Gobolada Koonfureed ayaa ka dalbaday Ciidamada Kenya inay ka baxaan gobolada ay joogaan ee Jubooyinka hadii kale gacan la iskula tagi doono”

  1. Yaabane says:

    Kuwaan xeeyr cunista badan culumana waa sheegtaan intaasna dagaal ayey kujiraan, bal maxaa arinta siyaasada somaliya galiyey, waxaad moodaa mareexaan haday dowlad yihiin haday ahlu suna yihiin inay hal dhinac u jabeen

  2. faysal says:

    kuwaan waxay rabaan in lagu soo fasaxo alshabaab iyagoo gedo iyo kismayo cag dhigi waayey ayaa Kenyaan u yimaadeen markaas ayaa maciin ugu horeeysay hadana waad ujeedaa hadalkooda iyo qaabka ay u dhaqmayaan, kenya iyo maamulka jubaland hadaysan kismayo joogin hal daqiiqo ayey alshabaab qabsan lahaayeen

Leave a Reply