Orodyahan Omar Abdi oo matalaya magaca Somaliya ayaa ka qaybagalaya horyaalka oradada aduunka ee Moscow ka furmay

Wacaal Media Network

Omar

Waxaa maantay magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka ka furmay horyaalka oradada aduunka ee (IAAF world Championship) kaas oo ay kasoo qayb galeen laba kun oo orodyahan oo ka kala socda ilaa 200 oo wadan oo caalamka ah.

Orodkaas waxaa dalka Soomaliya u matalaya orodyahanka lagu magacaabo Omar Abdi, Omar oo ah wiil da’ yar  ayaa ka qaybgeli doona orodada 1500 iyo 800  ee mitir.

Orodyahankan da’da yar ee matalaya magaca qaranka Soomaliya oo horey ugu soo orday naadiyaal ka dhisan dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu wacdaro ka dhigo magaalada  Mascow.

Sidookale waxaa ka qaybgalaya tartankan horyaalka orodada aduunka Mo Farah oo ah nin asalkiisu Soomali yahay balse u orda dalka Ingiriiska, MO oo horey ugu guulaystay bilado caalami ah ayaa isagana la filayaa inuu bilado hor leh ku guulaysto orodadaan.

Wacaal Media waxay nasiib wanaagsan  u rajaynaysaa orod yahanka da’da yar ee matalaya magaca qaranka Soomaliya Omar Abdi  iyo waliba Mo Farah.

Wacaal Media Network

8 Responses for “Orodyahan Omar Abdi oo matalaya magaca Somaliya ayaa ka qaybagalaya horyaalka oradada aduunka ee Moscow ka furmay”

  1. Samaysane says:

    mashalaah ina afgaab waxaan u rajeynayaa nasiib wanaagsan, wan ku faanayaa inuu isku taago orodka. guulayso brother

  2. ducaale says:

    Good Luck, waxan kuu rajeynayaa inad guul ka keentid orodka 800 ilaa 1500 ee aad ordi doontid

  3. Kadawe says:

    welldone cumar, eebbe waxan kaaga tuugayaa guul, waa wax lafu farxo inaad magaca somali ad mathashid

  4. Maxamud Cabdiraxmaan says:

    cumar iyo mo farah waxan idin rajeynaya nasib wanagsan, si gaar ahaaned wiilka da’da yar ee magaca somaliyed mathalaya guul ayaa u rajeynayaa

  5. Maxamed Yarre says:

    somaliya da,yar badan oo wax tar ah aya uso baxaya waxa laga yaba mustaqbalka dhalintani inay wax bedelan, koow guulayso cumar, labo wiilasha orodada iyo ciyaraha ka qayb gala wa in la dhiri galiya si gar ahaned dowlada somaliya madama magaci somalinimo uu ku ordayo wa inay garab is tagan.

  6. ina abdimadoobe says:

    Waxaan kuu rajaynaynaa in dalkaaka guul u keentid

  7. Abdalle says:

    Nasiib wanaagsan Cumar magaca Soomaliyeed kor u qaad, khibrad fiican ka qaado kadibna higso World olypmpics game .

Leave a Reply