http://www.wacaal.com/2014/09/12/sareeye-gaas-jenaral-maxamed-xuseen-daauud-xiirane-oo-ku-geeriyooday-colombus-usa/

General Carays oo Maanta ku Dhawaqay Inuu taagan yahay xilka Madaxtinimada Puntland (Sawiro)

Galkacyo, Wacaal Media
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Iyadoo maalmahaan ay Musharixiin farabadan kaga dhawaqayeen magaaalaada Galkaacyo in ay u taagan yihiin xilka ugu sareeya Puntland  ayaa maanta casumaad qado ah waxaa u fidiyay bulshada kala gedisan ee u dhaqan magaalada Galkacyo C/laahi Cali Mire (Caras) oo Xilal Fara badan ka soo qabtay Puntland iyo DFKGS xiligii Marxuum C/laahi Yusuf isagoona halkaasi kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland .

Carays ayaa ka sheekeyay wax qabadkisii Puntland gaar’ahaan dhinicii nabad-galyada isagoo xusay in uu qaybka ahaa heshiiskii lagu wada degay magaalada Galkacyo iyo howlihii ay u soo mareen waxaa kale uu musharaxa tilmaamay in loo baahan yahay in la sameeyo dib u heshiisiin dhamaystiran oo ay yeshaan dadka reer Puntland.

Khudbada musharax C/laahi Mire (Carays) ayaa u badnayd mid ah kaftan waxaa kale uu xusay sida loogu baahan yahay in la midoobo, isagoona  intaasi  ku daray in socod uu ku maray gobolada ay ka kooban tahay dowlada Puntland sidoo kale musharax C/laahi Cali Mire (Carays) khudbadiisa oo aad u dhereeyd waxaa uu ugu baaqay musharixiinta kale in laysla xiriio si aysan caqabad u iman.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay dad faran badan sida nabadoono, waxgaaraad ,cuqaal iyo haween iyagoo dhamaan soo dhaweeyay musharax C/laahi  islaamarkaasna ku tilmaamay in uu yahay nin wax ka bedeli kara xaalada iminka ka jirta Puntland.

Sikastaba waxaan shaki ku jirin in doorasho ay ka dhici doono Puntland oo ku aadan xilka madaxweynaha taas oo iminka ay u taagan yihiin musharixiin fara badan islamarkaasna misaan ku leh degaanada Puntland.

DAAWO SAWIRRO:
SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES
Wacaal Media
Xafiiska Wararka Galkacyo

1 Response for “General Carays oo Maanta ku Dhawaqay Inuu taagan yahay xilka Madaxtinimada Puntland (Sawiro)”

  1. kudhaa says:

    carays aya is sharaxay maxay soo kordhinaysa toloow is sharaxaadaasi carays waa waayeel askari ah muxu kusoo kordhin pudland hadi la doorto

Leave a Reply