DEG DEG:- Qarax caawa ka dhacay magaalada Jowhar Shabelaha dhexe

Muqdisho. Wacaal Media 

deg-deg-wacaal

Wararka ka imaanaaya degmada Jowhar ee gobalka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu caawa ka dhacay qarax qasaare soo gaarsiiyay dad shacab ah.

Goob Qaat lagu iibiyo ayaa la sheegay in rag aan la garan ay Bam ku tuureen, xilli ay halkaasi joogeen ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Waxaa halkaasi ku dhintay Haweeneey Qaad iibinaysay. iyadoona Laba qof kale dhaawac uu soo gaaray.

Xaaladda waa mid qasan, waxaana ciidamada dowladda Federaalka ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaan qaraxa ah.

Lasoco wixii soo kordha.

 

Wacaal Media

Muqdisho, Somalia

1 Response for “DEG DEG:- Qarax caawa ka dhacay magaalada Jowhar Shabelaha dhexe”

  1. juqraafi says:

    waan kaxumahay ilaahay umada somaliyeed dhibka haka qaado

Leave a Reply