Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Jaamacadda SIMAD oo 700 oo arday ka qalin jabiyeen (Sawirro)

Muqdisho, Wacaal Media

xasan1

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad Qalin jebin ah. halkaasna ka jeediyay qudbad dhiiri gelisay shacabka ku sugnaa goobtaas.

Qudabadiisa ayuu Madaxweynaha wuxuu ku yiri” Anigu maanta aad ayaan ugu faraxsanahay  horumarka dhanka wax barashadda. Dowladdana wey ka go’antahay in ay taageerto waxbarashadda Soomaaliya, iyo tacliinta sare.”

Madaxweynaha oo qudabdiisa  kula hadlayay ku dhawaad 1000 arday oo ka qalin jebinaysay jaamacadda SIMAD waxa uu yiri” Walaalayaal, dalalka hormaray waxey ku hor-mareen wax barashadda oo ay hor mariyeen. Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabineyso jaamacadaha dalka waxey tusaale u tahay jiil cusub oo Soomaali ah waxeyna kaalin mug leh ka qaadan doonan wax qabadka arrimaha bulshada iyo kan ganacsiga gaarka  ah.”

Dalka iyo dadkaba waxey u baahan yihiin jiilkiina oo kale. Jiil fahamsan aduunka cusub oo ku dhisan xog iyo technolojiyadda. Shacabka Soomaaliyeed wey ku soo daaleen dagaal. Ummada Soomaaliya waxey  idinka sugeysaa in ay ku nacfiyan aqoontiina”

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan sh. Maxamuud  waxoo u tahniyadeeyay ardaydii qalin jabineysay iyo ehelkooda.

DAAWO SAWIRRO:

xasan1 xasan10 xasan2 xasan3 xasan4 xasan5 xasan6 xasan7 xasan8 xasan9 xasan11 xasan12 xasan13 xasan14 xasan17 xasan18 xasan20 xasan9

 

 

 

—-DHAMAAD—–

 

3 Responses for “Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Jaamacadda SIMAD oo 700 oo arday ka qalin jabiyeen (Sawirro)”

  1. shacabka says:

    Maxaa damul jadiid dalka usoo baxay waxaase waxay wataan fikrada xasan sheekh maxamud iyo faarax cabdulqaadir

  2. CALI MAJO says:

    MASHAA ALLAAH ILAAHAY SOOMAALIYA HA DHOOWRO TACLIINTA WAXAA LOO BAAHAN YAHAY INAY DADKA IYO DALKA WAX KA BEDESHO WAXAAN RABBI KA RAJEYNAYAA ARDAYDA QALIN JABISAY INAY DALKAAN U NOQDAAN TUSAALE WANAAGSAN AYSANA RAACIN WADOOYINKII HORE EE QODOXDA BADNAA EE DALKA LAGU LUMIYEY.

    WABILAAHI TOWFIIQ
    CALI MAJO

  3. juqraafi says:

    mashaalah 700 oo arday waa tiro badan dalka meelna waa kasii fiicnaanayaa meelna wuu kasii lumayaa soomaaliyeed fahma dhibku meesha uu ka jiro madaxweyne xasan sheekh hadiiba uu ahaa aasaasaha simad dadka intaan le eg uu tacliin u horseeday maxaa dhanka kale ka khaldan oo qabyaalada iyo NGo nimada ugu wacan waa su,aale

Leave a Reply