Soomaalida isticmaasha Twitter oo weerartay xildhibaannada baarlamaanka (Maxay Yiraahdeen)

The Hague, Wacaal Media

Sawir hore/ Mudanayaal ku dhaaranaya kitaabka alle

Sawir hore/ Mudanayaal ku dhaaranaya kitaabka alle

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa caawa oo Khamiis ah lagu dubtay barta isku-xirka bulshada ee Twitter.

Soomaalida isticmaasha Twitter ayaa qoraallo tiro badan ku weerartay mudanayaasha, kaddib markii baarlamaanka uu u kala jabay labo qeybood oo la kala saftay madaxda sare ee dowladda ee is-haya.

Baarlamaanka haatan jira ayaa ah baarlamaankii ugu horreeyay ee rasmi ah muddo ka badan 20 sano, balse qaar ka mid ah dadka ayaa u arka inuusan waxba kaga duwayn baarlamaannadii jiray muddadii siddeeda sano ee lagu jiray ku-meel-gaarnimada, kuwaas oo caan ku ahaa kala qeybsanaan, karti xumo iyo musuqmaasuq.

Lama garanayo in xildhibaannada ay akhrisanayaan Hashtag-ga #YouknowheisSomaliMP.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALADDA OO DHAMAYSTIRAN KUNA QORAN AF-INGIRIIS:

Youknowheissomalmp6

Youknowheissomalmp YouknowheissomalmpII YouknowheissomalmpIII YouknowheissomalmpIV YouknowheissomalmpV

 

Xigasho: Kismaayo.com

5 Responses for “Soomaalida isticmaasha Twitter oo weerartay xildhibaannada baarlamaanka (Maxay Yiraahdeen)”

  1. RUNTA SHEEGE says:

    ALEEY LAHAY IN LAGU SUGAY KUWAANI XILDHIBAANO MAAHAN SHARCI ILAALIYAAL MAAHAN WAA NIMAN QAARNA LACAG KU SHAQEEYAAN QAARNA QABIIL QAARNA DAN JOOGTO AH SIDA XIL LASIIYO SHAME ON YOU XILDHIBAANO WAX ISKA BEDELA

  2. Xasan Biid says:

    soo shariif sakiin, juurile, maxamed cabdi yusuf, cali khaliif galayr iyo kuwa kale oo lamid ah wali maahan xildhibaano goorma ayaa lasugayey in dalkaan uu ka gudbo kala qoqob nin jeclaysi, dan jogto ah iyo qabyaalad inta ragaas xildhibaano qaran yihiin damul jadiidna ay HAG hawiye action group intay jaamacado waxay ugu yeereen ku xareyean ay leeyihin dowlad ayaa nahay haka yaabina dalkaan inuuis bedelo ilaahayna aayad quraan ah ayuu ku leeyahay qoom ilaahay ma bedelo inay iaygu is bedelaan maahane.

    soomaaliya waa ay ceeboowday waxaa dalkii sii xumaanaya oo sii laba kacaya qabyaalada duufaano, fatahaad wabi, goobihii ganacsiga ee gubanaya hadana sidaas oo ay tahay cid dan ka leh majirto waxay dhaafi la dahay aniga aan noo laado

  3. sarkaalka says:

    xildhibaanada kuwa fiican iyo kuwa xun ba waa ay lee yihiin laakin dhibtu wa damul jadiid nimanka sheegta waa nimanka qaran inay qabiil iyo NGO ay ka dhigaan raba waa nimanka dantii oo dhan u baa biniya jago doonimo waa kuwa xasan sheekh culusoow iyo sheekh faarax sakiin ay hogaamiyaan waxaa iga talo ah inta wanaagsan inay dalka iyo dadka u turaan inta danaysiga wadana go’doon la galiyo ilaahayna agtiisa waxba kama ahan in la helo qaran soomaaliyeed oo taagan

  4. dalmar says:

    waxaa la yaabanahay meeshii cir laga ugayey ayey ciiryaamo ka imaatay meesha ngo laga sugayo dowlad meesha xasan iyo faarax oo aan ka badinayn dantooda aaminsana inta ay joogaan inay abaabul dhaqaale yeeshaan dowlad laga sugayo meesha cali khaliif, sahriif sakiin juurile cali maxamed geedi yusuf garad ay dalka bad baadiyayaal u yihiin malaga yaabo in dalkaan uu is bedelo malaga yaabo in dalkaan uu qabyaalad ka faaruqo malaga yaabo in baarlam,aan la iibsado la waayo. dalka uguma jirto dan sidaan

  5. puntlander says:

    xasan culusoow garguurte waa ninka maantay 700 oo uu kasoo aruuriyey xamar sheegayey inuu jaamacdo u dhisay oo qalin jabiyeen waana riwaayd la isku dhigayo taasi waxaa ogaataan in dalkaan uusan u baahnayn riwaayad dame oo shaqeeysa intii lala baxo jaamacdo lagu qorto simad iyo banaadir iyo heblo hoosna ka ah wacayle university, reer aw xasan international school halaga daayo dalka riwaayada baarlamaanka sida laga sheegay ayey noqonayaan hadi aysan difaacin saacid hurdaaye ileen laga gardarane hadaysan maxkamd soo istaajin xasan gurguurte

    wabilaahi toowfiiq

Leave a Reply