http://www.wacaal.com/

Madaxweyne IndhoSheel oo Wareysi gaar ah siiyay Wacaal.com kana hadlay arimo badan (Dhagayso)

Wacaal Media, Muqdisho  

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Maxamed Jaamac Indho Sheel ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaaya siiyay Shabakada Wacaal.com, waxaana aynu ka wareysanay arimo badan oo xasaasi ah.

Waxa uu ka hadlay arimaha ku saabsan doorashada Puntland, soo dhaweyntii Garoowe ee Axmed Karaash iyo arimo ku saabsan Khaatumo.

Puntland ayuu sheegay in ay soo dhaweynayaa doorasho ka dhacda, waxaana uu ku eedeeyay maamulka Faroole arimo badan oo ay kamid tahay dagaalkii ka dhacay degmadda Taleex oo sheegay inuu ahaa xasuuq uu gaystay maamulka uu Madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Maxamed Faroole.

Shirka aayaha Khaatumo ayuu sheegay in dhawaan uu ka dhici doono magaalada Taleex, waxaana uu tilmaamay in dad badan kasoo qeyb gali doonaan shirkaasi.

Halkaan ka dhagayso:

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Wacaal Media, Muqdisho

2 Responses for “Madaxweyne IndhoSheel oo Wareysi gaar ah siiyay Wacaal.com kana hadlay arimo badan (Dhagayso)”

  1. qori lugod says:

    maxa kuugu taalaa maalinba nin baa fakadee waad ogaan doontaa hadii faroole uusan soo bixin oo nin kale yimaado indho sheel oo wasiir raadsada waad arki doontaa
    nimankaan meesha waxaa dhigay waa sidii ay garoowe iyo hargaysa ugu kala gooshayeen
    lakiin waxaa run ah in kamid ah hadda inay ogaadeen in MJ dan uusan u ahayn

  2. tusbaxle says:

    madaxweynuhu waa runtiis waxaa run ah in axmed trash uusan cidna mathalin oo uu kaligiis tagay garoowe isaga iyo kuwa kale ee la midka ah ma mathalaan maamulka khaatumo iyo shacankiisa.
    reer khaatumana waa ay badan yihiin sida uu yiriba madaxweyne indhosheel qabiilo dhan lagama waynayo niman meel un wax ka raadsada oo caruurta ka biisha

Leave a Reply