http://www.wacaal.com/2014/09/01/fariimo-tacsi-ah-caaqil-axmed-sheekh-aaden-oo-ku-geeriyooday-minneapolis/

Siyaasi Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ku geeriyooday magaalada Boston

Boston, Wacaal Media

inaa1

Innaa Lilaahi Waa Inaa Ilahayhi Raajicuun.

Allaha u Naxariistee waxaa magaalada Boston ee dalka Mareykanka ku geeriyooday maantay Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ahaa Siyaasi mudo dheer kusoo dhex jiray Siyaasadda Soomaaliya ahaana ruug cadaa siyaasadeed.

Allaha U naxariistee Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi wuxuu soo noqday Xildhibaan Sanadii 1964-tii ilaa Sanadii 1969-kii, Wuxuu kaloo soo noqday Wasiirkii Gaadiidka, Shaqada iyo Shaqaalaha dowladii dhexe ee Soomaaliya Sanadihii 1969-kii ilaa 1972-dii, Dabadeed wuxuu soo noqday Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi Wasiirkii dhalinyarada ee Dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadii 1975-tii.

Dr Cabdicasiis Nuur Xersi wuxuu ku dhintay da’da 87 Sano jir, wuxuuna ahaa ninkii aasaasay  Xisbigii Howl & Hanti wadaag sanadii 1964-tii.

Dr Cabdicasiis Nuur Xersi wuxuu ku dhashay sanadii 1933-dii degmadda Eyl ee gobolka Nugaal, wuxuu ifka kaga tagay 5 qof oo uu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Eebbe waxaanu uga beryeynaa inuu ka waraabiyo Janadii Fardowso ahayd ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan uu eebbe ka siiyo.

Dhamaan Bahda Wacaal.com waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi.

HOOS WAXAAD KA HELI KARTAA QORAALADII AY WACAAL.COM KA SAMEEYSAY GEERIDA DR CABDICASIIS NUUR XIRSI:

http://www.wacaal.com/2014/01/30/tacsi-dr-cabdicasiis-nuur-xirsi-oo-ku-geeriyooday-magaalada-boston/

http://www.wacaal.com/2014/01/30/cabdiweli-cali-gaas-avv-cabdicasiis-nuur-xirsi-wuxuu-ahaa-nin-nagu-weyn/

http://www.wacaal.com/2014/01/30/cabdiweli-gaas-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-ku-timid-dr-cabdicasiis-nuur-xirsi-dhagayso/

http://www.wacaal.com/2014/01/31/dr-cabdiraxmaan-faroole-oo-ka-tacsiyeeyay-geeridii-marxuum-dr-cabdicasiis-nuur-xirsi/

http://www.wacaal.com/2014/01/31/abuukaate-cabdicasiis-nuur-xirsi-oo-lagu-aasay-magaalada-boston/

http://www.wacaal.com/2014/01/30/jaaliyada-soomaliyeed-ee-minnesota-oo-ka-tacsiyeeyay-geeridii-ku-timid-marxuum-dr-cabdicasiis-nuur-xirsi/

http://www.wacaal.com/2014/02/01/jaaliyadda-australia-oo-tacsi-u-diraya-ehelkii-uu-ka-geeriyooday-dr-cabdicasiis-nuur-xirsi/

http://www.wacaal.com/2014/01/31/tacsi-jen-maxamed-abshir-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-dr-cabdicasiis-nuur-xirsi/

http://www.wacaal.com/2014/01/31/professor-cumar-shire-yusuf-iyo-qoyskiisa-oo-ka-tacsiyeeynaya-geeridii-dr-cabdicasiis-nuur-xirsi/

http://www.wacaal.com/2014/02/01/tacsi-jaaliyadda-awrtable-ee-minneapolis-oo-tacsi-u-diraya-ehelkii-uu-ka-geeriyoodat-dr-cabdicasiis-nuur-xirsi/

HALKAAN KA DAAWO MAR UU KA SHEEKAYNAYAY TAARIIKHDA SOOMAALIYA:

Aaamiin Aamiin Amiin

 

 

 Said Abdikariim

Wacaalmedia@gmail.com

7 Responses for “Siyaasi Dr Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ku geeriyooday magaalada Boston”

  1. soo cadde says:

    ilaahow u naxariiso adeer cabdicasiis nuur xiri ehelkiina samir iyo iimaan alaha kasiiyo aamiin aamiin

  2. Maxamed Kadaweye says:

    allaha u naxariisto cabdicasiis nuur wxuu ahaa nin taariikh dheer leh una soo joogay xornimadii soomaaliya calan saarkii dowladihii dalka soo maray oo dhan ilaahay waxaan uga beryaya inuu janadii fardowso ahayd uu ka waraabiyo

  3. Abdi careys ciise says:

    Anigoo ku hadlaya dhamaan magaca reer careys ciise waxaan halkaan tacsi uga dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum garyaqaan Abdiaziz nuur hirsi.waxaana leenahay samir iyo imaan allaha ka siiyo isagana naxariistii jano eebe ha siiyo. aammiin

Leave a Reply