http://www.wacaal.com/2014/09/12/sareeye-gaas-jenaral-maxamed-xuseen-daauud-xiirane-oo-ku-geeriyooday-colombus-usa/

Eebe ha u naxariistee waxaa geeriyooday Ra’iisul wasaarihii labaad ee Somaliya marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

MN, Wacaal MediaAbdirisak_Xaaji_Xussein_Somalia

Eebe ha uu naxariistee waxaa xilli dhow oo maantay ah magaalada Menisotta ee cariga maraykanka ku geeriyooday Ra’iisul Wasarihii hore ee Soomaliye Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Marxuun Cabdirisaaq Xaaji Xussein Xassan wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo 1924-tii waxaana uu 1943-dii u wareegay koonfurta Soomaliya xiligaas oo uu ku biray ururkii xornima doonka Soomaliyeed.

Marxuumka ayaa kamid noqday baarlamaankii ugu horeyay ee Somaliyeed 1960-kii sidookale waxuu soo noqday wasiirkii arimaha gudaha ee ugu horeeyay ee Soomaliya ay yeelato isagoona sidookale noqday Ra’iisul Wasarihii dalka mudadii u dhexeysay 1964 ilaa 1967. xilkii ugu dambeeyay ee qaranka Somaliya marxuumku  u soo wabtay ayaa ahaa danjiraha qaramada midoobay intii u dhexeysay 1976 ilaa 1978.

Marxuum Cabdirisaq Xaaji Xuseen waxaa uu ahaa nin wadani ah mudadii uu xilalka kala duwan ka soo qabtay dalkana waxaa lagu xasuustaa howl karnimo iyo daacadnimo, Marxuumku wuxuu kamid ahaa raggii sida weyn uga soo horjeestay xilligii ciidamada Itoobiya gudaha u soo galeen dalka Somaliya sanadkii 2006-dii. waxuuna ka qayb galay dibad baxyo looga soo horjeeday.

Eebe ha u naxariisto marxuumka ehelkiisii iyo guud ahaan ummada Soomaliyeedna Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo. Aaamiin.

Wacaalmedia@hotmail.com

 

 

 

4 Responses for “Eebe ha u naxariistee waxaa geeriyooday Ra’iisul wasaarihii labaad ee Somaliya marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen”

  1. Shaakir says:

    innaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun ilaahoow u naxariiso cabdirasaaq xaaji xuseen ehelkii khaaska ahaa ee uu ka tagayna samir iyo iimaan ka sii aamiin aamiin aamiin

  2. mustaf says:

    alla yaa raxma halyeey cabdirasaaq xaaji xuseen rabi ha u naxariisto

  3. afmalay says:

    inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun allah subxaanahu watacaalaa waxaan uga baryayaa naxariistee jano inuu ka waraabiyo cabdirasaaq xaaji xuseen nin soomaaliya ka dhintay ayuu ahaa

Leave a Reply