Ciidanka degmadda Caluula oo gacanta ku dhigay dooni jariif ku haysay xeebaha deegaankaasi

Bosaso. Wacaal Media .images (4)

Ciidamada bilayska degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay dooni laga leeyahay dalka Yemen oo kalluumaysi sharci daro ah ka waday xeebaha gobolkaas.

Ragga doonidaan watay oo isugu jiray Soomaali iyo Yamaniyiin ayaa iska hor imaad aan  qasaaro geysan la galay ciidanka gacanta kusoo dhigay.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Calluula Cali saalax yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa ku sheegay doonidaan inay tahay  nuuca wadata  jariif  Qatar ah oo mamnuuca ka ah dunida. Wuxuuna sheegay nuskii saacba inay qaadayso 6 kun oo kalluun ah,  halka 2dii saac gudahoodna ay xambaarayso 25 ilaa 30 tan.

Cali Saalax waxaa uu sheegay inay gacanta ku hayaan rag yamaniin ah oo watay doonida la qabtay. Inkastoo uu sheegay inay jiraan doonyo badan oo jariif ku haya badda Puntland.

Wuxuu sheegay Kalluuumaysatada Iran iyo Yemen inay usoo shaqo tageen inay gurtaan kheyraadka Puntland ee ku jira baddeeda.

Waa doonidii ugu horeysay oo nuucaan oo kale ah oo ay gacanta ku dhigaan ciidanka Puntland.

Wacaal Media 

Xafiiska wararka Bosaso

1 Response for “Ciidanka degmadda Caluula oo gacanta ku dhigay dooni jariif ku haysay xeebaha deegaankaasi”

Leave a Reply