http://www.wacaal.com/

Cabdiweli Gaas: Itoobiya waxay aad udaneenaysaa isbadalka ka dhacay Puntland (Sawiro & Dhageyso)

Garowe, Wacaal Media. 

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalda Garowe kadib socdaal qaatay in kabadan asbuuc oo ay ku maqnaayeen dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Garowe ayaa sheegay inuu guul kusoo dhamaadeen shirarkii kala duwanaa ee lasoo qaateen madaxda Itobiya. 

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay aad uga soo hadleen Itoobiya arimo la xiriira adkaynta amaanka gobolka. xoojinta dagaalka lagula jiro argigixisada iyo kor uqaadida xiriirka ganacsiga.

Waxaa uu sheegay Madaxweynuhu Itoobiya inay aad usoo dhaweysay isbadalka ka dhacay Puntland. Wuxuuna Itoobiya inay wax badan ka filayso xukuumada cusub ee Puntland.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay inuu socdaalkii la xiriiray muran ka taagan gobolka Sool ayuu arintaas ka gaabsaday.

DHAGAYSO CODAKA CABDIWELI CALI GAAS:

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Daawo Sawiro

IMG_0596 IMG_0597 IMG_0598 IMG_0600 IMG_0602 IMG_0606 IMG_0607 IMG_0610 IMG_0611 IMG_0612 IMG_0619 IMG_0622 IMG_0623 IMG_0624 IMG_0626 IMG_0627 IMG_0628 IMG_0629 IMG_0637 IMG_0639 IMG_0640 IMG_0641 IMG_0642 IMG_0643 IMG_0644 IMG_0645 IMG_0646 IMG_0650 IMG_0651 IMG_0652 IMG_0653 IMG_0654 IMG_0657 IMG_0658 IMG_0667 IMG_0669 IMG_0670 IMG_0671 IMG_0672

 

Wacaal Media

Xafiiska wararka Garowe.

1 Response for “Cabdiweli Gaas: Itoobiya waxay aad udaneenaysaa isbadalka ka dhacay Puntland (Sawiro & Dhageyso)”

Leave a Reply