Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo maanta lagu soo dooranayo magaalada Baydhabo

Baydhabo, Wacaal Media

Wajigii_labaad_shirka_Baydhabo_1

Magaalada Baydhabo maanta waxaa ka socota qaban qaabada lagu soo dooranayo madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wariyaal ku sugan goobta ay waxa ay ka dhacayaan ayaa soo sheegaya in musharixin badan ay xilkaasi isku soo taagen goor dhowna la bilaabi doono doorashada madaxweynaha ismaamulka Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Maamulkaasi hada madaxweynaha loo dhisaayo ayaa waxa uu goboladiisa ka koobnaan doonaa ilaa iyo 6 gobol oo kala ah,Bay,Bakool, Labada Shabeele,Gedo iyo Jubooyinka.

Musharixiin u taagnaa maamulkaasi ayaa la sheegay in ay dib uga laabteen.

Goobta waxaa kusugan xildhinaabada barlamaanka Soomaaliya ee goboladaasi laga soo doorto.

Inkastoo Gedo iyo Jubooyinka ay leeyihin maamul ay dagaal kadib ay dowladda Soomaaliya ogolaatay hadana waxa lagu doonaya in doorashadaan maamul lasoo dhisaayo ay ku darsadaan.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh waxa uu sheegay in gobolo ay ku sugan yihiin Al-shabab in aan loo sameyn karin maamul goboleed.

 

Wacaal Media – Xafiiska Muqdisho

1 Response for “Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo maanta lagu soo dooranayo magaalada Baydhabo”

Leave a Reply