Afhayeenka Isimada Puntland oo DF Soomaaliya ku eedeeyay inay lug ku leedahay maamulada aan waafaqsanayn dastuurka(Dhageyso)

Garowe, Wacala Media download (24)

Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/laahi Cali Ciid ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay wax ka qaban la’dahay maamulada aan waafaqsanayn dastuurka Soomaaliya ee laga dhisayo koonfurta Soomaaliya.

Wareysi uu afhayeenku maanta siiyay warbaahinta gudaha ayaa  sheegay inay dowladu iyadu lug ku leedahay maamulada dhismahoodu ka socdo Baydhabo. Wuxuuna ku sheegay in la doonayo in lagu carqaladeeyo hirgalinta nidaamka federalka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay dhismaha maamuladaan inay keenidoonaan jahwareer iyo xasilooni darro Soomaaliya ugasii darta xaalada ay haatan ku sugan tahay. 

“ Waxaani waa xujo iyo xal xiraalayaal ladoonayo in lagu carqaladeeyo nidaamka federalka oo la yiraahdo ma hirgali karto oo cid walba ayaa rabta inay maamul dhisato”. Ayuu yiri garaadku.

Wuxuu sheegay mas’uuliyiinta inay mar walba booqasho ku tagaan Baydhabo hadana aysan jirin cid wax iska weydiinaysa dhismaha maamuladaan aan sharciga waafaqsanayn.

Hadalka Garaadka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Jubba Axmed uu si weyn u cambaareeyay maamulka lixda gobol ee laga dhisay Baydhabo. Isagoo ku tilmaamay riyo aan rumoobi doonin.

Dhageysp codka Garaadka 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Wacaal Media

Xafiiska wararka Garowe.

 

 

 

 

1 Response for “Afhayeenka Isimada Puntland oo DF Soomaaliya ku eedeeyay inay lug ku leedahay maamulada aan waafaqsanayn dastuurka(Dhageyso)”

Leave a Reply