Dowladda Kenya oo u diiday inuu dalkeeda soo galo Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan oo safar ku maqnaa

Nairobi, Wacaal Media

Sawir/Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan

Sawir/Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan

Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan oo kamid ah Culumadda Soomaaliyeed ee sida aadka loo yaqaano ayaa loo diiday inuu dib u soo galo dalka Kenya, Sheekha ayaa ku maqnaa safar dibadda ah.

Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan oo 20kii sano ee lasoo dhaafay deganaa dalka Kenya kana mid ah ganacsatadda iyo ducaada sida aadka ah looga yaqaano dalkaasi ayaa illaa hadda dowladda Kenya aysan sheegin sababta ay ugu diiday inuu dalka kusoo laabto Sheekhu, wuxuuna sheekhu haystaa dhalashadda dalka Britain.

Sheekha ayaa wuxuu ahaa shaqsiga dalka Kenya Keenay Jaamacadda Islaamiga ah ee RAF University oo ku taala degmadda Kijado ee dalkaas, waxaana jaamacadaasi maal-gelisa  dowladda Qaniga ah ee Qadar.

Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan wuxuu kamid yahay ducaada Kenya, wuxuu kaloo xubin ka yahay Majlisu Culumaa Kenya sidaasi oo kale wuxuu Gudoomiye ku xigeen u yahay Gudiga Culumadda Masaajidka Jamia Mosque oo kamid ah Masaajidada ugu waa weyn Bariga Afrika.

Hogaamiyayaasha Muslimiinta Kenya ayaa ka dalbaday dowladda Uhuru Kenyatta inay jawaab cad ka bixiso sababta Sheekh loogu diiday inuu soo galo dalkaasi oo uu ku lee yahay deegaan kana mid yahay dadka ay Muslimiintu ay ugu xushmadda badan yihiin.

Sheekh Maxamed ayaa 8 sano kahor sidaan oo kale loo diiday inuu dalka kusoo noqdo isagoo xiligaasi Cimro ugu maqnaa dalka Boqortooyadda Sacuudiga inkastoo markii dame la ogolaaday soo noqoshadiisa.

 

 

Shukri Ugaas, Wacaal Media

Shukri2516@gmail.com

2 Responses for “Dowladda Kenya oo u diiday inuu dalkeeda soo galo Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan oo safar ku maqnaa”

  1. Bicir says:

    kenya waa gaalada ugu qurunsan afrika ilaahay sheekha ha u dhib yareeyo dulmiga ay ku wadaan waxaa meeshaas yaala hantidiisii caruurtisii waana uu maal geliyaya illaa uu dalkaas keeno jaamacado islaamka laga barto gaalo ku qunlayaal kenyaanoow

  2. xaafid says:

    ilaahay haxafido sheekha iyo culumada kaleba dhagarta gaaladana ha dhaafsiiyo

Leave a Reply