Fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec oo la shaaciyey in uu geeriyooday

Muqdisho, Wacaal Media

deg-deg1

War goor dhow ina soo gaaray ayaa sheegaya in fanaanka codka boqorka Maxamed Suleymaan Tubeec uu geeriyooday.

Fanaanka ayaa bilihii dhaweeti xanuunsanayey waxana xaaladiisa caafimad lagula tacaalayay gudaha dalka Jarmalka.

Fanaanin badan ayaa iyaga waxa ay maal mihii dambe ay wadeen dadaalo ay lacago loogu gurmado ay iska uruurinayeen.

Allaha u naxriisto fanaanka waxa uu kamid ahaa faniinta Soomaaliyeed kuwoodi ugu magaca weyn fanka Somalia.

Mareeya ku xigeenka Tijaatarka qaranka  Cabdikariim Jiir ayaa warbaahinta u xaqijiiyay geerida Al-fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec oo xalay ku geeriyooday dalka Jarmalka

 

Wacaal Media – Xafiiska Muqdisho

2 Responses for “Fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec oo la shaaciyey in uu geeriyooday”

Leave a Reply