Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia oo magacaabay 7 Wasiir oo uu ku jiro Wasiir arima dibadeed

Baydhabo, Wacaal Media

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa maantay magacaabay 7 Wasiir oo kamid noqonaya Xukuumadda ay yeelanayso Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban Lixda Gobol.

Madaxweyne Madoobe Nuunoow ayaa xiligii uu magacaabayay Golihiisa wasiiradda waxaa dhinac fadhiyay Madaxweyne ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aaden, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay kadib markii uu la tashaday Madaxweyne ku xigeenkii inuu magacaabayo 7 kamid ah Golihiisa Wasiiradda.

Golaha Wasiiradda ee la magacaabay maantay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka arimaha dibadda oo loo magacaabay Dr  Maxamed Aadan Fargeeti waana markii ugu horaysay oo Maamul goboleed Soomaaliyeed uu yeesho Wasiir arimo dibadeed.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed

Sawir:Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed

Waxaa sidaas oo kale kamid ah  golahaan Wasiiradda ee la magacaabay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga oo loo magacaabay C/fataax Ibraahim Geeseey oo horay u ahaan jiray Gudoomiyhii hore ee gobolka Baay.

Masuuliyiinta kale ee xilalka wasiiradda oo lamagaabay Hoos ka akhri magacyadooda.

Dr. Maxamed Cali Xaamud, wasiirka garsoorka iyo arrimaha Diinta

 Dr. Maxamed Nuur Cabdulle, wasiirka madaxtooyada 

 Cabdullaahi Maxamed Idiris, wasiirka gaadiidka iyo garoomada 

Shiine Macallin Nuuroow, wasiirka dowladda Hoose iyo horamarinta reer miyiga

Madaxweyne Madoobe Nuunoow ayaa waxaa xilka Madaxweynenimo ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya loo doortay horaanta bishaan, waxaana doortay in ka badan dhowr boqol oo ergay oo isaga yimid Lixda gobol ee uu ka kooban yahay Maamulkaani.

Madoobe Nuunoow ayaa horay u sheegay inuu soo dhisi doono gole wasiiro oo tayo leh, wuxuuna sidaasi oo kale uu sheegay inuu booqan doono dhamaan goboladda uu ka kooban yahay Maamulkaasi oo ay ku jirto Magaaladda Kismaayo oo imika xarun u ah Maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe oo isna ah Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba.

 

 

Wacaal Media

News Desk

 

2 Responses for “Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia oo magacaabay 7 Wasiir oo uu ku jiro Wasiir arima dibadeed”

  1. jubaland says:

    wacaal waad waalanteen isku xishooda oo waxaan war maahan ee meesha ka saara ninkaan maskiinka ah ee aan waxba ogayn qar haka sii tuurina.
    xanuun ayaa beryahaan idin galay waad roonaan jirteen waagii hore laakiin hadda waxaa idinku godan far

  2. Junior Bardacad says:

    tii axmed madiobe iyo cabdweli ayaa la idinku haystay hadana ma tanaa ku darteen waad fiicnaydeene sidinii hore ku socda ha iskaga darinina waan idinla latalinayaa ninkaan madoobena qolkii uu baydhabo ka degana ayaa lacagti loo haystaa

Leave a Reply