Cabdiweli Cali Gaas iyo waftigii la socday oo si balaaran loogu soo dhaweeyay Qardho (Daawo Sawirro)

Garowe, Wacaal Media 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” Wasiirka Ammaanka Xassan Cismaan Alloore, Siyaasi Cali Cabdi Awaare, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa  saaka ka anba baxay Caasimadda Puntland ee Garowe, iyagoo safar booqasho iyo kor meer ah ku aaday deegaano kale oo Puntland ka mid ah.

Madaxweynaha ayaa sii maray buundada deegaanka Sunna-jiif oo roobabkii dhowaan da’ay bur buriyeen, halkaasi oo uu kula kulmay shaqadii oo u socota sidii loogu tala galay, waxaana engineerada gacanta ku haya dhismaha buundada ay u sheegeen  Madaxweynaha inay waqti kooban ku dhamayn doonaan dib u dhiska buundaasi.

Ka dib Madaxweynaha ayaa safarkiisa sii watay, dhamaan  tuulooyinkii uu maray waxaa hareeraha wadada taagnaa dadweyne si diiran uga qeyb qaadanayay soo dhoweynta Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli iyagoo ruxayay caleemo qoyan kuna hadaaqayay Madaxweyne Soo Dhowoow.

Madaxweynuhu Wuxuu kusii hakaday deegaanka Yaka-Yaka oo aan wax badan u jirin degmada Qardho, iyadoo dadka deegaankaasina ay soo dhoweyn wanaagsan u sameeyeyen Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabd-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa isla maanta  gaaray Magaalada Qardho ee Xarunta G/kar-kaar , waxaana dadweynaha magaaladaasi ay wafdiga madaxweynaha uga hor tageen duleedka Qardho halkaasi oo ay kusoo bandhigeen ciyaarta dhaantada oo ka mid ah dhaqanka Somalida, taasi oo ahayd mid ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada uu Madaxweynuhu kusoo gaaray deegaaka Qardho.

Sidoo kale dhamaan dadweynaha qardho oo taagnaa hareeraha wadada ee bartamaha magaalada ayaa u muujiyay soo dhoweyn ka duwan  tii ay usameeyeen waqtiguu uu ahaa musharaxa Madaxweynaha doorashadii ka hor xiligaasi oo uu Qardho soo booqday. 

Madaxweynaha Oo Bulshada Qardho la hadlay ayaa u sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhoweynta ay qiimaha leh e ay ku qaabileen wafdigiisa, wuxuu kaloo tilmaamay inuu fulin doono ballan qaadyadii uu sameeyey waqtigii uu musharaxa u ahaa hogaaminta Puntland, isla markaana degmada Qardho  ay heli doonto waxqabadka ay xukuumadiisu samayn doonto mudada ay xilka hayso.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ka gadaal waxa uu kormeero kala duwan ku tagay Hospitalka Qardho, Saldhiga Qaybta , Ceelasha Biyaha iyo Xabsiga weyn ee Qardho, isagoo warbixino ka dhagaystay dhamaan masuuliyiint goobaha uu booqday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Issimada Puntland, iyagoo ka arrinsaday sidii looga shaqayn.

Madaxweynaha iyo wafdgigiisa ayaa la filayaa inay la kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada Qardho, iyagoo usii gudbi doona magaalo Ganacsiga Puntland ee Bosaso

 Daawo Sawiro

SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho08 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho11 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho12 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho13 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho16 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho18 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho23 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho25 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho27 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho28 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho29 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho30 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho32 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho36 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho37 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho40 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho42 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho45 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho51 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho56 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho60 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho65 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho67 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho72 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho73 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho76 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho78 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho79 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho83 Soodhaweyn_Madaxweyne_Gaas_Qardho85

Wacaal Media

Xafiiska Wararka Garowe

1 Response for “Cabdiweli Cali Gaas iyo waftigii la socday oo si balaaran loogu soo dhaweeyay Qardho (Daawo Sawirro)”

  1. diinaari says:

    gaas maxaa laga soo dhaweynayaa maamulkiisi ayaa baa,ba,ay waad maqlayseen shalay siday u hadleen isimadii iyo xildhibaanadii Sanaag iyo Sool ninkaani awalba harti ayuu u ahaa madaxweyne haday iyagii kalsoonidii kala noqdeen ma qardho ayuu madax u noqonayaa waa su,aale?
    cabdiweli gaas waligiis xaq laguma aqoon lagamana sugayo run ahaantii!

Leave a Reply