http://www.wacaal.com/

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax oo ka Hadley Dhibaatada ka imaan karta Arrimaha Federaalka Somalia

Muqdisho, Wacaal Media

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax  oo ka mid ah Ugaasyada sida weyn looga yaaaan Soomaaliya ayaa waxaa uu ka waramey Xaalada Wadanka haatan uu marayo iyo sida looga bixi karo, waxaa uu farta si gaar ah ugu fiiqey   Dhibaatda  ka imaan karta arrimaha Federaalka uu u leeyahay Ummada Soomaaliyeed waxaana uu yiri” Markii ay dhacadey Doorashadii Sannadkii 2004 ee lagu doortey Cabdulaahi  Yuusuf waxaana Khudbad ka jeediyey Baarlamaankii Xiligaas jirey  , waxaana u sheegey in Dhibaato ay keeneyso hadii Federaal aad Aqbashaan , ma jirto Qaab ay Soomaali ku qaadan karo Federaal” waxaa uu sii raaciyey

“ Waxaan sidaa u leeyehay Hogaankii Dalka ma ihi ee waxaan ahay Hogaan Dhaqan muddo dheer Maamul soo hayey , Ciidamada ka mid ahaa , hadana  Shaqaale Dowle soo noqdey , waxaan akhriyey iyo waxaan dhageysteyba ma helin Soomaali oo Hal Qoys ah in maanta Federaal loo Googooyo , waxaana is leeyahay waa dhibaato weyn oo Ummada soomaaliyeed ku habsatey waana arkii doontaan Laba federal oo isku qabsadey  Degaankaan  anaa leh iyo anaa leh  ”

“ Waxaan nahay Dad isku Diin ah, isku Af ah isku midab  islamarkaana isku Dhaqan ah , waxayna ka Mideysan tahay Dhinac waliba  sidaa darteed ma haboona in qaab Federaal ah loo googooyo ummada Soomaaliyeed   , Go;aanka waxaa leh Maamulka sare ee Dowlada iyo Baarlmaanka, waa talo Odey dhaqan oo aan soo jeedinayo “ waxaana intaa ku darey

“ Haddii Dalkii Federaal loo qaybiyey oo la ogolaadey , maxaa diidaya in Soomaaliland in loo Ogolaado Madaxbanaani , waxaa ogtihiin markii Koonfurta uu dhibka ka dhacay  ee ay kala qaxdey,waxaa lagu fakadey oo lagu Badbaadey Soomaaliland iyo  Pundland  iyadoo dadka reer Koonfureedka  ah ee ku qaxay labadaa meelood ay ka badan yihiin kuwii Goboladaas u dhashey sidaa datweed waxaa ila haboon in talada wax laga siiyo odoyaasha  Dhaqanka  si looga badbaado Dhbaatada Federaalka.  

 

 

WD Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

1 Response for “Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax oo ka Hadley Dhibaatada ka imaan karta Arrimaha Federaalka Somalia”

  1. Xarardheere,ceelhuur & Hobyo says:

    ugaasku waa runtiis soomaaliya xal uma ahan federaal tusaale ahaan majeerteen ayaa dadkii la deganaa xilalkoodii dhacaya hadii la jideeyo marka federaal oo sida MJ rabaan loo yeelo waxaan is weydiinayaa cawaaqib xumada ka dhalata.

    dalka soomaaliya wuxuu u baahan yahay dowlad centraal ah oo dadka u siman oo nin kasta xaqiisa uu helayo taas ayaa iga talo ah aniga soomaaliyeed.
    ugaaskuna ha noolaado ximan iyo xeebna ha jirto waligeed

Leave a Reply