Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Masar-Sawirro

Cairo, Wacaal Media

hassan-siisi1

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayay oo ka qeyb galay xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa kulan la qaatay dhigiisa Masar kadib caleemo-saarkii.

Xasan Sheekh iyo Cabdifataax Al-Sisi waxa ay ka wadleen xoojinta xiriirka labada iyo doorka Masar uga aadan horumarka iyo nabadgelyada Soomaaliya, Madaxweyne Xassana wuu u hambalyeeyay  Cabdifataax Alsiisi, isagoo soo dhoweeyay doorashadiisa.

booqaas1

Xafladda Caleemo saarka ee Madaxweynaha Masar waxaa kaloo ka qeyb galay Wafuud kala gadisan,Siisi ayaa markii la dhaariyay sheegay inuu ilaalin doono xuquuqda iyo wadajirka dadka Masaarida ah, inkastoo kal hore uu cinqilaabay Madaxweynihii sida sharciga ah loo doortay ee Maxamed Mursi imikana kujira Xabsi.

booqaas2

Wagdiga dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la filayaa inay dhowaan kusoo noqdaan Caasimadda.

Wacaal Media-News Desk

1 Response for “Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Masar-Sawirro”

Leave a Reply