150 Macalin oo tababar uga furmay Caasimadda Puntland (Sawirro)

Garoowe-Wacaal Media

Kuliyadda Tababarka Macalimiinta Puntland waxaa ka furmay Tababar ay qaadanayaan in ka badan 150 Macalin oo ka kala socday deegaanadda Puntland, tababarkaan waxaa qabanaysa Wasaaradda waxbarashadda ee Maamulkaasi.

Axmed Maxamuud Warsame oo ah ku-simaha agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland, ahna agaasimaha waaxda imtixaanaadka ayaa sheegay in Macalimiintaan loo tababarayo maadooyin ay kamid yihiin  luuqadda ingiriisiga, Biology-ga, xisaabaadka iyo Synisdka.

Wuxuu agaasimuhu sheegay in looga gol leeyahay tababarkaan sidii Macalimiintu ay wduruus tayaysan ugu gudbin lahaayeen ardayda.

Madaxdii ka hadashay daah-furka tabarkaan ayaa ugu baaqday Macalimiintu inay ka faaiidaystaan aqoon kororsiga.

Deegaanadda Puntland oo ay ka jirto nabad gelyo lagu naaloodo hadana dhanka waxbarashadda waxay kamid tahay meelaha ugu hoseeysa marka loo eego deegaanadda kale ee Soomaaliya.

Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan tacliinta waxay sheegtay bishii lasoo dhaafay in dhalaanka ku dhaqan deegaanadda Puntland 59% aysan aadin goobaha tacliinta, arimaha loo sababeeyay ayaa lagu sheegay inay kamid tahay tayadda iskuulaadka oo hooseeya, heerka waxbarasho oo la rabay oo aan la heli karin iyo tan ugu daran oo ah qoysaska oo aan u awoowdin caruurtooda inay goobaha tacliinta u diraan.

ga-1 ga-2 ga-3 ga-4 ga-5

Wacaal Media-Xafiiska Wararka Garoowe.

2 Responses for “150 Macalin oo tababar uga furmay Caasimadda Puntland (Sawirro)”

Leave a Reply