Maxamed Khalaf Aaden (Shoongole) oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho-Wacaal Media

Maxamed Khalaf Aaden (Shangole)

Sawir;Maxamed Khalaf Aaden (Shoongole)

Allaha u naxariistee waxaa caawa (8 July) Ku geeriyooday magaaladda Muqdisho, Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo Taariikh dheer ku lahaa Sports-ka Soomaaliya.

Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo waa yadii ugu dameeysay ku xanuunsanaa Cisbitaal ku yaala Magaaladda Muqdisho, wuxuu ahaa captain-kii ugu horeeyay ee uu yeesho xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Gadaal ayaanu kasoo gudbin doonaa Taariikh nololeedkiisa oo dhamaystiran:

Dhamaan Reer Shangole, Reer Khalaf Aaden, Reer Faarax Xirsi Dhuko iyo Dhamaan eheladda & Qaraabadda oo dhan waxaanu uga tacsiyaynaynaa geerida ku timid Marxuum Maxamed Khalaf Aaden (Shangole).

 

 

Wacaal Media-Xafiiska Wararka Muqdisho.

5 Responses for “Maxamed Khalaf Aaden (Shoongole) oo ku geeriyooday Muqdisho”

  1. Axmed Abshir says:

    inaa lilaahi waa inaa ileyhi rajicuun. allaha u raxmado halyey shangole wuxuu ahaa nin qaran, ninki yaqanay baa yaqaanay ilaahoow janadi fardowso ahayd ka waraabi ehelkiina samir kasii. aamiin

  2. cadbdulqaadir guuleed says:

    allaha u naxariisto shangole halyey qaran ayuu ahaa nin taariikh fog leh ayuu ahaay ilaahay janadi fardowsi ahayd ha ugu bishaareeyo biil ramadaan ayuu geeriyooday kibtaabkiisana eebbe gacanta midig haka siiyo. dhaman isboortiska soomaaliya iyo ehelkiisi wan uga tacsiyeeenayaa

  3. Bicir says:

    geeridu waa xaq qof kastaana wuu dhadhamin waan ka naxay geerida shangole. maxamed khalaf aadan shangole wuxuu ahaa halyey qaran dhalinyaradii syl ayuu kamid ahaa ciyaar kaliya halyay kuma ahayn wuxu ahaa ninki ugu horeeyay oo kabtan ka noqday xulka qaranka 1953-dii wuxuu ahaa markii xioriyada la qaatay lixdankii ninkii awrka saarnaa ee meel kasta ku sawirnaa wuxuu ahaa halyey soomaali ah aadna ka garanaysid ku noolaanshihiisa jowhar xataa burburkii kadib allow kuu naxariiso

  4. aamiin jilic says:

    INLAA LILAHI WA INAA ILEEHI RAJICUUN ILAAH ha u naxaristo abahii sportiga ee somalia gar ahaan gobalka SH/DHXE dagmada Jowhar ALLE waxaan ugu baryaa in uu janatul fardooso ka waraabi

Leave a Reply