Madaxweynaha kubadda cagta qaarada Afrika Ciisa Xayatu oo ka tacsiyeyay geerida Kabtan Shangolo

Cairo,Wacaal Media.

Ra'isul Wasare Abdiweli iyo Labtan Shangolo

Ra’isul Wasare Abdiweli iyo kabtan Shangolo

Madaxweynaha kubadda cagta qaaradda Afrika Ciisa Xayaatuu ayaa bahda isboortiga Soomaliya iyo kan geeska Afrikaba uga tacsiyeeyay  geeridii ku timid Kabtankii ugu horeeyay ee xulka qaranka Soomaaliya Maxamed Khalaf  Aadan (Shangolo).

Ciisa Xayaatu ayaa ku tilmaamay khabar naxdin leh warka shegaya geerida halyeey kabtan Shangolo, oo uu sheegay inuusan ahayn oo keliya kabtankii ugu horeeyay xulka qaranka balse uu horseede iyo dheeri geliye u ahaa ciyaartooyo farabadan xiligiisii.

Aniga oo ku hadlaya magaca (CAF) iyo kan  bahweynta isboortiga qaarada Afrika waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa xiriirka kubadda cagta Soomaliyeed, ururka Cecafa, reer Aadan Khalaf  iyo dhamaan ehelka iyo asxaabtii uu ka geeriyooday halyeey kabtan Maxamed Khalaf Aadan Shangolo ayuu ku yiri fariinta Ciisa Xayaatuu uu u diray xirirka kubada cagta Soomaaliya iyo xoghaya guud ee  Cecafa Nicholas Musonye. fariintaas oo lagu faafiyay barta internetka ee CAF.

Shangolo oo ahaa kabtankii ugu horeeyay koox ku dheesha magacaga qaranka Soomaliya sanadki 1956 ayaa ku geeriyooday habeenkii Salaasada cisbitaal ku yaala magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dabiibayay maalmihii la soo dhaafay.

Ka hor inta uusan geeriyoon wuxuu lataliye dhanka sharciga ah u ahaa madaxweynaha xiriirka kubada cagta Soomaliyeed sidoo kale wuxu ahaa gudoomiyaha isboortiga ee gobolka Shabeelaha hoose ee koonfurta Soomaliya.

 

 

Wacalmedia@hotmail.com

 

 

1 Response for “Madaxweynaha kubadda cagta qaarada Afrika Ciisa Xayatu oo ka tacsiyeyay geerida Kabtan Shangolo”

Leave a Reply