Madaxweynaha FIFA oo tacsi ka diray geeridii ku timid kabtankii ugu horreeyey xulka qaranka Somalia Maxamed Khalaf Aaden Shangole

Muqdisho-Wacaal Media

Qoraal ka soo baxay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA,Mr.Joseph S.Blatter ayaa looga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee Allaha u naxariste kabtankii ugu horreeyey xulka Qaranka Soomaaliya,Maxamed Khalaf Aadan Shangole.

Qoraalkan oo ahaa warqad furan ayaa S.Blatter waxaa uu soo garsiiyey guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya,Cali Saciid Guuleed Rooble.

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA,Mr.Joseph S.Blatter ayaa sheegay in geerida ay ahayd mid wada taabatay uuna ka tacsiyeenayo,waxuuna inta ku daray inay farrintan soo diray kaddib markii uu ogaaday dhimashada ku timid halyeeyga kubadda cagta Soomaaliyed,rabbi ha u raxmade Maxamed Khalaf Aadan Shongole.

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA,Mr.Joseph S.Blatter

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA,Mr.Joseph S.Blatter

Mr.Joseph S.Blatter waxaa uu farrintiisa ku sheegay isagoo ku hadalaya afka xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA iyo xiriirada kale ee kubadda cagta tacsi qoto dheer u soo diray qoyska Shongole,saaxiibadiisa iyo dadka jacel,waxuuna sheegay inay garab taagan-yihiin ehelladiisa una u rajeynayo inay muujiyan calool adeyg iyo samir.

Ugu danbeyn,Mr.Joseph S.Blatter madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA waxuu sheegay in farrintiisa uu ka rajeynayo inay qafiifiso muragada dhimashada kabtankii ugu horreeyey ee xulka kubadda cagta Soomaaliya.

Madax kala gadisan iyo shacabweynaha jacel Isboortiska ayaa siweyn ugu tacsiyeesay geerida Maxamed Khalaf Aadan Shongole oo talaadadii ku geryoodey Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso warqada furan ee Mr.Joseph S.Blatter

1 2 3

 

 

Wacaal Media-Xafiiska Wararka Muqdisho.

 

1 Response for “Madaxweynaha FIFA oo tacsi ka diray geeridii ku timid kabtankii ugu horreeyey xulka qaranka Somalia Maxamed Khalaf Aaden Shangole”

  1. Bishaar doolaal says:

    halyay shangole wuxuu ahaa nin sare ilaahoow u naxariiso, ilaahoow u dambi dhaaf waayeel soo shaqeeyay ayuu ahaa.
    waxaad ka garanaysa inuu nin micne leh ahaa sida loogu tacsiyaynayo oo caalami u ahaa.

    alla yaa arxama raaximiin

Leave a Reply