Madaxweynaha Somalia oo maanta booqanaya degmadda Garbahaaray

Muqdisho-Wacaal Media

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa maantay gaaray Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Gobolka Iyo Boqolaal Shacab ah, waa markii koowaad oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu gaaro Garbahaaray tan iyo markii xilka loo doortay sedex sano kahor.

Xasan Sheekh Maxamuud inta uu joogo degmadda Garbahaaray wuxuu la kulmi doonaa qaybaha kala gedisan ee bulshadda, isagoo u kuur geli doona xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan Gobolka Gedo.

Waxaa la socda wafdiga Madaxweynaha Masuuliyiin katirsan labada gole ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Horay wuxuu Madaxweyne Xasan u tagay deegaano kala gedisan oo katirsan dalka Soomaaliya.

 

Wacaal Media-Xafiiska Wararka Muqdisho.

1 Response for “Madaxweynaha Somalia oo maanta booqanaya degmadda Garbahaaray”

Leave a Reply