Muslimiinta magaalada Rana ee dalka Norway oo yeelatay masaajid

Rana, Wacaal Media.

Muslimiinta ku dhaqan magaalada Mo I Rana ee waqooyiga dalka Norway ayaa yeeshay masaajid markii ugu horeysay muddo dheer. Masaajidka cusub oo markii ugu horeysay lagu tukaday salaadii Jimcaha ee 8-dii bishaan Augost ayaa waxaa soo buux dhaafiyay muslimiinta tirada yar ee ku dhaqan magaalada oo u badan qoomiyadda Soomalida.

Dadka muslimiinta ah ee ku nool magaladaas ayaa baahi weyn u qabay helitaanka masaajid ay ku tukadaan salaadaha isla markaasna quraanka kariimka ah iyo tarbiyada islaamka ay ku baraan caruurtooda,  Soomaliduna waa jaaliyadda muslimiinta ugu badan ee ku dhaqan magaaladaas waxayna buddhig u ahaayeen helitaan sharciyadda masaajiska oo qaadatay muddo sanado ah.

Jaaliyadaha Soomaliyeed ee ku nool dhulalka gaalada ayaa lagu amaanaa hormuudnimadooda dhanka diinta, waxayna markasta sida dayax shan iyo tobnaad ah uga dhex muuqdaan dhammaan jaaliyadaha kale ee muslimiinta ah.

Masaajidka cusub oo aan saas u weynayn ayaa ka kooban qeyb raggu ku tukadaan, qeyb dumarka ah iyo waliba qolka martida loogu talagalay waxayna guddiga masaajidku rajjo wanaag ka muujiyeen in mustaqbalka dhow  intaas laga sii ballaariyo.

Hoos ka eeg  Sawirada laga soo qaaday masaajidka waxaana nasoo gaarsiiyay gudoomiyaha jaaliyadda Soomalida ahna xubin sare oo ka tirsan guddiga masaajiska Maxamuud Maxamed Baxnaaan.20140808_14274220140808_13585220140808_13583920140808_135814[1]20140808_13582520140808_13583520140808_13594520140808_13590420140808_14273020140808_142811(0)20140808_14282020140808_14275820140808_14281420140808_142737

 

 

 

 

 

3 Responses for “Muslimiinta magaalada Rana ee dalka Norway oo yeelatay masaajid”

  1. Cabdalle says:

    Maashaa Allah, Muslimiinta Allaha badiyo gaaladana Allaha jabiyo

Leave a Reply