http://www.wacaal.com/2014/09/12/sareeye-gaas-jenaral-maxamed-xuseen-daauud-xiirane-oo-ku-geeriyooday-colombus-usa/

Dowlada Faderaalka Somalia oo isku diyaarinaysa sidii ay wada-hadal ula furi lahayd Maamulka Puntland

Gaalkacyo-Wacaal Media

Khilafka u dhaxeya Puntland oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya iyo dowladda dhexe ayaa xilligan waxaa muuqata inay socdaan qorsyahaal lugu doonayo in lugu xaliyo.

Dhowr mar madaxweynaha Puntland,Dr Cabdiweli waxaa uu saxaafadda u mariyey madaxda faderaalka inuu diyaar u yahay la hadalka dowladda dhexe ee dalka.

Madaxda sare ee dowladda oo u hoggaamiyo madaxweyne,Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab ah kama aysan bixin baaqa ka imaanya Puntland,kaas oo ay ku doonayan in la xaliyo arrimaha jira.

“Ma dhici karto inay kala marmaan Puntland iyo dowladda faderaalka,waayo waxaa isaga xiran arrimo badan,”sida waxaa yiri Cabdiweli Gaas madaxweynaha Puntland oo xilli hore saxaafadda la hadlay.

Xilligan war qoraal ah oo ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa muujinaya inay faderaalku isku diyaarinayan wada-hadal ay la galan Puntland.

“Dowladda faderaalka waxaa ay soo dhaweyneysa baaqi ka soo baxay mamaul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee ahaa in wada xaajood lagu dhameeyo waxkasta oo tabasho ah,”sida waxaa lugu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Mustafa sheekh Cali Dhuxulow wasiirka warfaafinta Soomaaliya,waxaa kalo uu sheegay inay dowladda dhexe aamin-san tahay in kala duwanaanshaha lagu xaliyo mabda’a ah wadatashi iyo wadaxaajood.

War-saxaafadedka oo sii socda waxaa lugu yiri”ayadoo laga amba qaadayo ayaa dowladu waxaa ay soo dhaweynaysaa wada hadalka ay ku baaqday dowlad goboleedka Puntland si looga gaaro wixii tabosho ah is faham waa ah ee jira” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Dhuxulow waxuu caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in wada hadalkaasi la galo xilli iyo goor kasta ayadoo wixii farqi ah ee jira aan dhexdeyna xalisano.

Ugu danbeyn,dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in dowlada goboleedka Puntland ay ahmiyada weyn ugu fadhiso dowlada dhexe ee Soomaaliya waxayna dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya garowsantahay mas’uuliyada ka saran sare u qaadida xasiloonida,horumarka, iyo degnaanshaha deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Khilaafka Puntland iyo faderaalka ayaa soo jeetameyey muddooyinkii danbe,balse waxuu sii xoogeys-tay markii madaxda Soomaaliya ay saxiixin heshiis gobolka Mudug ku daray maamul gobollada dhexe laga hirgaliyo,arrintas oo ay ka biya diiden Puntland.

 

Wacaal Media-Xafiiska Wararka Gaalkacyo.

2 Responses for “Dowlada Faderaalka Somalia oo isku diyaarinaysa sidii ay wada-hadal ula furi lahayd Maamulka Puntland”

  1. Galkacyo says:

    Xaqiiqda haddii la doonayo tanu heshiis waa soo dhaaftay waxayna maraysaa Dhulboob kii uGu ceebta badnaa,madaxweynaha iminka jirana waxaaba la odhan karaa kursiga calaf ayaa u galay.

    tan kale siyaasi ahaan dhaqaale iyo waliba aqoon haddii layiraahdo Soomaali ha laisla sugo waxay qaadan doontaa qarniyo badan,wayo markaad iminka dhagaysanayso oday dhaqameedyada beelaha isku hayaa dhulkan mudug inay kala cabir iyo aragti dheer yihiin amaba ay hadalka kala heli ogyihiin waliba kala xishood iyo qadarin mudn yihiin.

    Mudug markii laga hadlaayo cidda ay maskaxdaadu kusoo dhacayso lahanshaha mudug ayaa iska leh inta kale waa marti ee sharaf haku daganaadeen,Puntland dhulkeeda talyaani iyo ingiriis ayaa ka qaadi waayay waxay ila tahay haddana inaysan koox yari qadaayn ee waxaan idin oran lahaa yaan la iscceebayn ee siyaaasadda iyo taariikhda waa la bartaaaye iska samra waqtigiina sugta oo iimaansada inta aad ka dgetaan dhulka somaaliyeed joojiyana dhulboobka aad ku haysaan Kismaayo,Marka iyo Mudug,haddii kale wallee waxaad helaysaan waxiinan filayn , waa iga waano ee aryaadha mahiina iimaansadha.

Leave a Reply